Wasiirka Hawlaha Guud, 9Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Degmadda Widhwidh

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Degmadda Widhwidh Iyo Deegaanad Hoos Yimaada.

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo Maalmihii u dambeey safar shaqo ku joogay Goballka Sool ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Degmadda Widhwidh oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle,

Wasiirka Iyi Waftigiisa waxa si diiran usoo dhaweeyey Dadweyne aad utiro baddan, isagoo Wasiirku kala qeybgalay maalintii udanbeysay olalaha Xisbiga Kulmiye, Waxaana uu Wasiirku Kulamo kala duwan la yeeshay Odayaasha iyo Madax dhaqmeedka Deeeganka waxaanu Wasiirku ka codsaday inay soo saaraan Xildhibaanad Xisbiga Kulmiye ka sharaxn ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiiladda.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo dadweynihi isku soo baxay fagaaraha kala hadlay ayaa ku xoojiyey inay amniga ilaashadaan maalinta doorashada, isla markaana si nabad ah ku codeeyaan, waxaan ka codsaday inay codkooda muujiyaan doorkan una codeeyaan Xildhibaanada Xisbiga Kulmiye uga sharaxan Deegaanka, Ee Golayaasha Deegaanka Iyo Wakiiladda.



ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ