Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Wali Sii Wada Safarkiisii Wacyi-gelinta Diwaangelinta Codbiyayaasha Ayaa Maanta Safar Shaqo Ku Maray Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Sanaag.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Oo Wali Sii Wada Safarkiisii Wacyi-gelinta Diwaangelinta Codbiyayaasha Ayaa Maanta Safar Shaqo Ku Maray Degmooyinka Hoos Yimaada Gobolka Sanaag.

Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Oo Maalmihii Udanbeeyey Safar Shaqo Ku Joogay Gobolka Sanaag, Gaar Ahaan Magaaladda Ceerigaabo Ayaa Safar Ku Gaalaa Bixiyey Degmooyinka Iyo Tuuloyin Ka Tirsan Gobolka Sanaag. Halkaas Oo Dadweynaha Ku Wacyigalinayey Inay Dhamaan Dadku Isdiiwangaliyaan, Isla Markaaana Qaataan Kaadhka Codbixinta.

Wasiir Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Safarkiisa Wacyigalinta Diiwangalinta Ku Maray Deegaamadda Raga- Cadeeyey, Dur-Dur, Goof, Bixin, Dhallaaax iyo Deegaano kale. Isagoo Wasiirka Goob Kasta Oo Uu Tago Lagu Soo Dhaweynayey Isla Markaana Dadka Kala Hadlayey Fagaarayaasha Kala Duwan, Isagoo Ku Wacyigalinayey Inay Qaataan Kaadhka Codbixinta.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD