Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Soo Kormeeray Qorshe Magaleedka Wasaaradda Hawlaha Guud Fulintiisa Ka Wado Degmadda Baligubadle.

Wefti Uu Hogaaminayey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Soo Kormeeray Habsami U socodka Qorshe Magaleedka “Master Plan” Ay Wasaaradda Hawlaha Guud Fulintiisa Ka Wado Degmadda Baligubadle.

Iyadoo Ay Ka Qeybqaadanayeen Fulinta Hawshan, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Jaamac Warsame, Badhasaabka Gobolka Hawd Mudane Axmed Yasiin Maxamed Faarax , Maayirka Degmadda Baligubadle Maxamed Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Maxkamada Ee Gobolka Hawd Sheekh Cabdilaahi Aw Maxamuud,Xildhibaanada Degaanka Degmadda Baligubadle, Isku-Duwaha Gobolka Hawd Ee Wasaradda Hawlaha Guud Mudane Daa uud Cabdi Yuusuf, Agaasime Waaxeedo Wasaaradda Hawlaha Guud Ah, Iyo Injinnerada Fulinaya Hawsha.

Badhasaabka Gobolka Hawd, Maayirka Degmadda Baligabadle Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Hawd Ayaa Dhinacooda Soo Dhaweeyey Qorshe Magaleedka Magaladda Baligubadle Oo Socday Mudo Afar Maalmooda, Waxaanay Si Isku Mida Dadweynaha Magaaladda Baligubadle Usoo Jeediyeen Inay La Shaqeeyaan Isna Garab Taagan Mudada Uu Socon Doono.
Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Jaamac Warsame AyaA Ugu Horeyn Sheegay In Shaqada Wasaradda Hawlaha Guud Ay Tahay Mid Lagu Qurxinayo, Lagu Qaabayno Magaalooyinka Dalka Si Loo Waafajiyo Malaayinka Casriga Ee Horumaray.

Sidoo Kale Waxa Uu Sheegay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac In Mashruucani Yahay Mid Balaadhan Oo Dhamaan Dalka Laga Hirgalinayo Wajigiisa Kowbaadna Laga Hirgalinayo Dhamaan 23 Degmo Doorasho Ee Dalka Wajigiisa Labaadna Laga Hirgalinayo Dhamaan Magaalooyinka Iyo Tuulooyinka Dalka Kana Mid Ahaa Barnaamij Siyaasadeedkii Xisbiga Kulmiye Ee Lagu Horumarinayo Magaalooyinka Dalka Si Ay Ula Tartamaan Magaalooyinka Casriga.

Ugu Dambayn Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Uhambalyeeyey Dadweynaha Magaalada Baligubadle Isagoo Usheegay In Magaaladoodi Quruxaysan Doonto, Qeybaysnaan Doonto, Qorshe Fiican Wixii Hadda Ka Danbeeyey Imika, Wuxuu Umahadceliyey Shaqaalaha Fulinaya Mashruucan Iyadoo Ay Tahay Hawl Adag Haddana Udhabar Adaygaya.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD