Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Oo Shirkii Ugu Horeeyey La Qaatay Agaasime Waaxeedada Wasaaradda

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Shirkii Ugu Horeeyey Ee Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Kulankan Ee Uu La Qaatay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Dhamaan Agaasime Waaxeedada, Agaasime Ku Xigeenada Iyo Dhamaan Lataliyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Ka Qabsoomay Hoolka Shirarka Ee Wasaaradda.

Shirka Maanta Wasiir Ku Xigeenku La Qaatay Dhamaan Agaasime Waaxeedyada, Agaasime Ku Xigeenada Ayaa Ayaa Ugu Horeyn Ku Furmay Isbarasho Wasiirka Cusub Iyo Agaasime Waaxeedyada.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa Arimo Muhiim U Ah Shaqada Wasaaradda Kaga Hadlay, Sidoo Kale Soo Dhaweeyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda ee Maanta kulankii ugu horeeyey la qaadanaya Wasaaradda, sidoo kale wuxuu warbixin dheer oo Wasaaradda ah ka siiyey Wasiirka iyo sidoo kale oo uu ka warbixiyey shaqooyinka hadda gacanta lagu hayo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Adkeeyey Masuuliyada Shaqo Ee Looga Baahanyahay In Qostana Iska Saaro Goobta Uu Joogo, Wuxuuna Xoojiyey In La Badiyo Shirarka Wasaaradu Gudaheed Yeelato, Iyo Shaqooyinka Socda Mudnaan Iyo Kala Horeysiin La Siiyo, iyo Wuxuu Kula Dardaarmay In Agaasime Kasta, Agaasime Ku Xigeenka Kasta Iyo Lataliye Kastaa Uu Ilaaliyo Tayada Shaqo Ee Uu Gacanta Ugu Hayo Shacabka Loo Adeegayo Ee Wasaaradu Adeegyada Kala Duwan Uqabato Shacabka Reer Somailand Meel Ay Joogaanba.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD