Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Maayirka Degmadda Gabilay Ku Wareejiyey Naqshadda 101 Beerood Oo Ku Jirey Xaydaabkii Master Plan-kii Degmadda Gabiley.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Maayirka Degmadda Gabilay Ku Wareejiyey Naqshadda 101 Beerood Oo Ku Jirey Xaydaabkii Master Plan-kii Degmadda Gabiley.

Kulankan maanta waxa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/Laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, Maayirka Degmadda Gabiley Mudane Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Lataliye Eng. Maxamuud Maal Cali, Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabilay, Iyo Hawlwadeenadda Dhulka Ee Dawlada Hoose.

Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. C/raxmaan Maxamed Aar ayaa sheegay in la bilaabayo wadooyinkii Blocks qeybinayey Ee ka farcamaeyey Master Plan-Kii Wasaarada usameysay Magaaladdan, wuxuuna sheegay in sida ugu dhakhsaha baddan hawshaa ubilaabayaan.

Maayirka Degmadda Gabiley Mudane Maxamed-amiin Cumar Cabdi Ayaa Umahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawshi ay halkan ka qabteen 2019, wuxuuna sidoo kale xusay hawlwadeenadii halkan mudad ujoogay inay Beeraha naqshadeeyaan isla markaana Beer kasta usameeyey naqshad ugaar oo Blocks leh. isagoo ka markhaati kacay in maanta uu Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamuud Warsame Jaamac uu kala wareegay Naqshadda 101 Beerood Oo Ku Jirey Xaydaabkii Master Plan-kii Degmadda Gabiley.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/Laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Ayaa umahadceliyey Dawladda Hoose Ee Gabiley ka qaadatay Fulitaankii Master Plan-kii ay Wasaaradu ugu sameysay Degmadda Gabiley 2019-kii, wuxuu bogaadiyey kharashkii gaarka ahaa ee lafdhabrta u ahaa inuu fulo mashruucaasi oo Dawladda Hoose ee Gabiley qeybta ugu weyn ku lahayd, isagoo sidoo kale Agaasimaha ayaa xusay in Naqshadan manta ay wareejinayaa Dhulkii Master Plan-ku ee Beeraha ahaa ay uqeybsantahay Blocks, isla markaana qof kasta oo Beertiisi uu marey Master Plan-ku uu garan karo dhulkii oo uqeybsan Blocks, isla markaana leh Naqshad ugaara.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Maxamuud Warsame Jaamac ayaa si rasmiya ushaaciyey inuu Dawladda Hoose Ee Gabiley ku wareejiyeen ka Wasaarad Hawlo Guud ahaan Naqshadda qeybsan Oo Beereysan kana kooban 10 Beerood, isla markaana ay jiraan goobihii danta guud ahaa, sida goobaha Caafimaadka, Garoomadda lagu ciyaaro, goobaha Waxbarashadda, iyo Dhulka Danta Guud, dhinaca kale Wasiirka ayaa bogaadiyey qaadhaankii dhaqaale ee Dawladda Hoose ee Gabiley ku bixisay inuu fulo Mashruucaa Master Plan-ku.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.