Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ayaa Shir Ku Saabsan Dhameystirka Master Plan-kii Magaaladda Boorama La Qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Shir Ku Saabsan Dhameystirka Master Plan-kii Magaaladda Boorama La Qaatay Badhasaabka Gobolka Awdal Iyo Maayirka Magaaladda Boorama.

Kulankan hawleedkan maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud waxa goobjoog ka ahaa, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, Maayirka Magaaladda Boorama Maxamed Aadan Baradho, Iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Maamulka Dhulka Iyo Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa Warbixin Sharaxay Halka Ay Hawluhu Umarayaan Ee Ahaa In Wixii Farsamo Ah La Isla Eego Naqshadii Magaaladda Boroama, Sidoo Kale Waraaqaha Mulkiyadaha Cusub Ee Magaaladda Boorama Yeelanayso, Iyo Wixii Hawla Ee Hadhan Ee Ah Wadooyinkii Ka Farcameeyey Master Plan-kii Loo Sameeyey Magaaladda Boorama La Bilaabi, Taas Oo Loo Balamay In Todobaadka Danbe Hawshaas La Dhaqaajiyo Isla Markaana La Bilaabo.

Badhasaabka Gobolka Awdal, Maayirka Degmadda Boorama Ayaa Umahadceliyey Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawshi ay halkan ka qabteen Magaalada Boroama, wuxuuna sheegay inay in Wasaaradda Hawlaha Guud ayaamaha soo socda kawada shaqeyn doonaan sidii ay fuli lahayd wadooyinkii ka farcamayey Master Plan-kii loo sameeyey Magaaladda sannnadkii hore.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa umahadceliyey, Badhasaabka Gobolka Awdal Iyo Maayirka Dawladda Hoose Ee Magaaladda Boorama ee maanta xafiiskiisa kusoo booqday, Wuxuuna xusay in wixii hadhsan farsamo ahaan la dhameynayo, sidoo kalana dhamaan wadooyinkaa ka farcamaya Master Plan-kii la sameeyey in jeexjeexdintoodi la bilaabi doono Todobaadka danbe, isagoo sheegay in Shirar danbe la isku iman Idam Allah.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD