Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ayaa Magaaladda Boorama Ka Daahfurey Dhameystirka Master Plan-kii Magaaladda Boorama.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Maanta Magaaladda Boorama Ka Daahfurey Dhameystirka Master Plan-kii Magaaladda Boorama.

Ugu horaynii Mayorka Degmada Borama Maxamed Adan Baradho Ayaa Soo Dhaweeyay Dhamaysirka Master Planka Borama Iyadoo ay Fulin Doonan injineero ka socda Wasaarada Hawlaha Guud Iyo injineerada degmada borama
Isla Markaan Digniin U diray Dadka khalkhal Galinaya shaqada master Planlka.
Ugu Dambayntii Wasiirka Ku Xigeenka Wasaarafa Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Jaamac Warsame Oo Daaffuray Dhamaystirka Borama Master Plan ayaa sheegay in Shaqadani Soo Gabagabaynayso Mashrucii Borama Master Planً. Isla Markaan Kula Dardaarmay In ay Soo Dhaweeyaan wadooyinka ka farcamaya Wadooyinkii waawaynaa.
ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD