Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Ayaa Saaka Kulan Gaara La Qaatay Madax Qeybeedyada Waaxyaha Farsamadda Ee Wasaarada

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud Mudane Maxamud Warsame Jaamac Ayaa Saaka Kulan Gaara La Qaatay Madax Qeybeedyada Waaxyaha Farsamadda Ee Wasaarada Halwaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Kulankan ayaa saaka ka qabsoomay Hoolka Shirarka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, iyadoo Wasiir Ku Xigeenka Shirka ay ku wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Dhismaha Eng. Axmed Haybe Colijoog, Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Eng. C/raxmaan Maxamed Aar, Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Jamaal Ibraahim Muuse, Agaasime Ku Xigeenka Shaqaalaha Nasra Maxamed Muuse, Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Dhulka Eng. Sakariye C/laahi Cumar, iyo dhamaan Madaxqeybeedyada Waaxyaha Naqshadeynta Magaalooyinka, Dhulka, Guryaha Iyo Dhismaha.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Jamaal ibraahim Colaad oo kulanka ujeedkiisa ka waramay ayaa sheegay in madaxqeybeedyada halkan fadhiyaa yihiin mishiinka kala wada shaqadda Wasaaradda, isla markaana joogaan Waaxyaha ay ku duusho Wasaaradda Hawlaha Guud, Agaasimaha ay ku dardaaray inay Madaxqeybeedyadu ilaaliyaan xiliyada shaqadda, isla markaana xoog saaran socodsiinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda gacanta ugu hayaan.

Shirkan ayaa intii uu socday dood wadaag iyo falanqeyn dhexmartay Madaxqeybeedyada, Iyo Masuuliyiintii shirka ku suganayd, iyadoo qodobadii muhiimka ahaa iyo afkaartii tilmoonayd ee ay soo jeediyeen Madaxqeybeedyadu ay isla qaateen Agaasime Waaxeedadii Iyo Wasiir Ku Xigeenkii inta Shirku socday, la iskulana afgartay in wixii caqabad ah dhakhso wax looga qabanayo, sidoo kalana shaqo daadajin la sameyn doono, wixii shaqo ah ee Madaxqeybeedyadu Wasaaradda gacanta ugu hayaana ay dhakhso usocodsiiyaan.

Ugu Dambayn Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Halwaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Waraame Jaamac ayaa madax qaybeedyqda Wasaarada Kula Dardaarmay in Ay shaqada Wasaarda Ilaaliyaan Isla Markaan Wakhtiga Shaqada lagu talo galay ay xafiisyadooda fadhistaan, isla markaana ay si daacadnimo leh ay ugu adeegaan Dadwaynaya. isagoo hoosta ka xariiqey in shirkan noqon doono mid jooga ah oo todobaad kasta dhici doono Insha Allah.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD