Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Oo Xilkii Si Rasmiya Ula Wareegay.

Munaasibadda Aad Uweyn Oo Soo Dhaweyn Ah Ayaa Maanta Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Loogu Qabtay Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

Munaasibadda Oo Ay Kasoo Qeybgaleen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Wacyigalinta, Wasiirka Qorsheynta Iyo Horumarinta Qaranka, Wasiir Ku Xigeenada, Caafimaadka, Beeraha, Arimaha Dibadda. Gudoomiyaha Hayadda Dhawrista Tayadda, Maareeyaha Hayadda Duulista Iyo Hawadda, Agaasimaha Guud Ee Cadaaladda, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Lataliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshadda, Gudoomiye Ku Xigeenka Gudida Qandaraasaadka Iyo Dhamaan Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud.

Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalah Mudane Jamaal Colaad, Khabiir Sare Ahna Lataliyaha Wasaaradda Eng. Maxamuud Maal Cali Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Ugu Horeyn Wasaaradda Kusoo Dhaweeyey Wasiir Ku Xigeenka, Waxaanay Ubalan Qaadeen Inay La Shaqeyn Doonaan, Kuna Soo Dhaweynayaan Wasaaradda Wada Dhallinyara Isla Markaana Shaqooyin Baddan Qaranka Uhaysa.

Wasiir Ku Xigeenka Cusub Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Ugu Horeyn Dalbaday In Loogu Duceeyo Inuu Ilaahay Xilkan Ufudeydiyo, Dhinaca Ayaa Shaqaalaha Ka Codsaday Inay Ula Shaqeeyaan Sida Ugu Wanaagsan, Wuxuuna Xusay Inaanu Ku Cusbay Xilka Wasiiir Ku Xigeen Hore Xukuumadi Hore Uga Soo Mid Noqday, Garanaya Xilka Iyo Waajibaadka Sugaya, Isla Markaana Sida Ugu Fiican Ula Shaqeyn Doono Wasiirka Wasaaradda Iyo Agaasimaha Guud Iyi Dhamaan Shaqalaha.

Ugu Danbeyn Madaxdii Kale Ee Madashada Ka Hadlay Oo Ubadnaa Xubnaha Golaha Wasiiradda Ayaa Soo Dhaweeyey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Iyagoo Kusoo Dhaweeyey Xilkan Uguna Duceeyey Inuu Alle Ku Asturo.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD