Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaashi Cabdi Shiil.


TACSI WASIIR: 20/03/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa, Iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, qoyska, ehelada, qaraabada, siyaasiyiinta, asxaabta iyo dhamaan shacabka reer Somalilanba ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo ku geeriyooday xalay Magaaladda Istanbul.

Wasiirku waxa uu marxuumka ku sifeeyey shaqsi wanaagsan oo isku darsaday diin dadnimo deeqsinimo dad jacayl iyo dulqaad isagoo ahaa siyaasi bisil, Wasiirka ayaa sheegay inay isku arday ahaayeen wakhtigi sideedtamaadkii dugsigi farsamada gacanta ee burco, marxuumka ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala danbeyay ee dalka isagoo haatana ka mid ahaa Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaanu Wasiirku marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo dhamaan shacabka reer Somalilanba ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD