Wasiir Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Munaasibadii Ay Xilka Kula Wareegayeen Golaha Deegaanka Gabilay

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Ka Qeybgalay Munaasibadda Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Golihii Hore Ee Deegaanka Degmadda Gabilay Iyo Golaha Deegaanka Ee Cusub Ee La Doortay.

Munaasibadda Xafladda Xilwareejinta Labada Gole Ee Degmada Gabilay. Sidoo Kale Ay Kulamaanayd Xilwareejinta Labadda Mayir Ku Xigeenka Ee Degmadda Gabilay, Halka Maayirka Degmadaas Dib Uun Loo Doortay. Waxaana Kasoo Qeybgalay Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha, Xildhibaanadi Golihii Hore Ee Deegaanka, Xildhibaanada Cusub, Haldoorka Magaaladda Boorama, Saladiin, Waayeel, Haween Iyo Waxgarad.

Maayirka Degmadda Gabilay Mudane Maxamed Aamiin Cumar Cabdi Ayaa Soo Dhaweyey Ka Qeybgal Xafaldan Ee Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, Wuxuuna Sheegay Inay Si Dhaw Uwada Shaqeeyeen Mudadii Uu Maayir Ahaa, Imikana Sidii Hore Iyo Si Ka Waangsan Usii Wada Shaqeyn Doonan, Wasaaradda Iyo Injineeradda Hawlaha Guud Labaddaba.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Bogaadiyey Sidii Gobanimad lahaydEe Maayir Maxamadd-Amiin Cumar Cabdi Ula Shaqeeyey Wasaaradda, Wuxuuna Golaha Cusub Ugu Bushaareeyey In Hogaan Waanagsan Heleen, Lana Shaqeeyaan Maayir Maxamed-amiin, Wuxuuna Golahoodana Cusub Usoo Jeediyey Inay Ka Jawaaabaan Baahiyihii Bulshadda Waxqabad Degdeg Ahna La Yimaadaan.

Wasiir Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Dadweynaha Degmadda Gabilay Inay La Shaqeeyaan Dawladda Hoose, Golaha Cusub Iyo Maayirkooda, Wuxuuna Hoosta Ka Xariiqey Inay Ilaaliyaan Dhulka Danta Guud Ee Laga Jaraya Master Plan-kii Wasaaradu Fulisay.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ