Wasiir Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulankii Bilaha Aha Ee Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud


Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulankii Bilaha Aha Ee Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Ugu Horeyn Waxa Kulankan Daahfurey Oo Faahfaahiyey Ujeedada Kulankan Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Mudane Jamaal Colaad, Isagoo Bogaadiyey Shaqalaha Maanta Goobjooga Ka Ah Kulankan, Warbixin Ka Siiyey Kulankii Hore Wixii Kasoo Baxay, Iyo Ka Waax Ahaan Gudi Ay Shaqaalaha Usameeyeen Si Ay Shaqaaluhu Dhexdooda Iskaga Warhayaan Iskana Caawiyaan.

Shaqaale Weynaha Wasaaradda Ee Kulanka Joogay Ayaa Wasiirka Hortiisa Kasoo Jeediyey Fikiro, Warbixino, Caqabadaha Ka Shaqaale Ahaan Haysta Iyo Talooyin, Iyadoo Hablo Iyo Wiilal Mid Kastana Dhinaciisa Wuxuu Bidayey Madasha Ka Horjeediyey.

Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Shaqaalaha Nasra Cabdi Maxamed Ayaa Tabashooyinka Shaqaalaha Qaar Kasoo Yeedhay Ka Jawaabatay, Iyadoo Shaqaalaha Ugu Baaqday Dhinaca Taban, Ee Toosin U Ah Maamulka Sare Ee Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada Iyo Cid Kasta Oo Wasaaradda Hawlaha Guud Ah In Lasoo Jeediyey, Ka Waax Shaqaale Ahaana Sameyn Doonaan Goob Cabashadda Shaqaaluhu Keenaan Isla Markaana Halkaas Lagu Ururin Doono.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Kulanka Soo Gunaanadey Ayaa Shaqaalaha Ku Guubaabiyey Inay Istaakuleeyaan Oo Is Caawiyaan Dhexdooda, Kana Warhayaan Kooda Xanuusan Iyo Kooda Caawimo Ubaahan, Gudidaa Agaasimaha Waaxda Shaqaaluhu Ku Dhawaaqeyna In Lala Shaqeeyo, Wax Kasta Oo La Awoodana In Gudidaa Loo Dhiibo.

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Jawaabo Waafiya Shaqaalaha Ka Siiyey Tabashooyin Ay Soo Jeediyeen, Sidoo Kale Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Ku Amrey In Shaqadda Wasaaradda Loo Dhaadhiciyo Shaqaalaha Isla Markaana Shaqadda La Qeybiyo. Sidoo Wuxuu Sheegay In Shaqaalaha Sida Ugu Dhakhsaha Baddan Loogu Sameyn Doono Kala Xadeyn Dhinaca Shaqada Ah.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ




+27