Wasiir Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Ka Qeybgalay Munaasibadda uu xilka kula wareegayey Maayirka Cusub ee Boorama


Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Ka Qeybgalay Munaasibadda Ay Xilka Kula Kala Wareegayeen Maayirkii Hore ee Degmadda Boorama Iyo Maayirka Cusub ee Loo Doortay.

Munaasibadda Xafladda Xilwareejinta Labada Gole Ee Degmada Boorama, Maayirka Cusub Mudane Maxamed Axmed Warsame(Baradhe ) iyo Maayarkii Hore Ee Borama Saleebaan Xasan Xaddi. Ayaa Waxa Kasoo Qeybgalay Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Gudaha, Xildhibaanadi Golihii Hore Ee Deegaanka, Xildhibaanada Cusub, Haldoorka Magaaladda Boorama, Saladiin, Waayeel, Haween Iyo Waxgarad.

Maayirkii Hore Ee Degmadda Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xaddi Ayaa Bogaadiyey Xidhiidhki Wanaagsanaa Ee Uu La Lahaa Wasaaradda Hawlaha Guud, Wuxuu Hoosta Ka Xariiqey In Ay Ku Dadaaleen Sidii Wasaaradda Hawlaha Guud Boorama Ugu Sameyn Lahayd Master Plan, Wuxuu Bogaadiyey Una Mahadnaqey Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Maayirka Cusub Ee Degmadda Boorama Mudane Maxamed Axmed Baradhe Ayaa Soo Dhaweyey Master Plan-ka Wasaaradda Hawlaha Guud Usameynayso Degmadda Boorama, Wuxuuna Sheegay Inay Si Dhaw Uwada Shaqeyn Doonaan Maamul Wasaaradda Iyo Injineeradda Hawlaha Guud Labaddaba.
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Bogaadiyey Golihii Hore Ee Degmadda Boorama, Isagoo Xusay Inay Boorama Meel Kasoo Qaadeen Meelna Soo Gaadhsiiyeeen, Wuxuuna Golaha Cusub Iyo Maayirkiidana Xasuusiyey In Bulshadu Ka Sugayso Waxqabad Weyn Loona Baahanyahay In Dadweynihii Soo Doortay, Waxay Ka Rajeynayeen Golahoodana Cusub Laga Jawaabo Oo Waxqabad Degdeg Ha La Yimaadaan.

Wasiir Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Dadweynaha Degmadda Boorama Ku Wargaliyey In Bisha Todobaad Dhexdeeda Degmadda Boorama Laga Bilaabi Doono Master Plan-kii Wasaaradu Fulinaysay, Wuxuu Usheegay Inay Udiyaar Garoobaan Sidoo Kalana Diyaariyaan Dhaqaalihi Ay Kaga Qeybqaadanayeen Dawlad Hoose Iyo Shiciba, Wuxuuna Ka Codsaday Aqoonyahanada, Salaadiinta Iyo Waxgaradka Inay Kala Qeybqaataan Hawsha Master Plan-ka.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Iyo Wacyigalinta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD


Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ