Wasaradda Hawlaha Guud Iyo Dawlahadda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Kulan Hawleed Shaqo Ku Yeeshay Xarunta Dawladda Hoose Ee Casaamida Hargeysa.

Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Iyo Dawlahadda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Ayaa Maanta Kulan Hawleed Shaqo Ku Yeeshay Xarunta Dawladda Hoose Ee Casaamida Hargeysa.
Kulankan Ayaa Waxa Goob-joog Ka Ahaa Wasiirka Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku Xigeenka Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Cabdilaahi Maxamed Maxamuud Jiidhe, Agaasimaha Iyo Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyo Qaar Kamida Lataliyaasha Iyo Khuburo Kamida Wasaradda Hawlaha Guud, Sidoo Kale Waxa Kulan Goobjoog Ka Ahaa Maayirka Caasimadda Hargeysa Mudane CabdiKaariim Axmed Mooge, Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose Ee Casimadda Hargeysa Mudane Siciid Nuur Jaamac Iyo Mudanayaal Ka Tirsan Xubnaha Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa.

Kulankan Ayaa Ujeedkiisu Ahaa Sidii Loo Xoojin Lahaa Wada Shaqaynta Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Iyo Dawladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa. Iyadoo Kulankii Aad Umuhiim U Ahaayeen Qaranka Iyo Labadda Dhinacaba. Isagoo Kusoo Dhamaaday Sidii Guul Ah Iyo In kulamo Daba La Iskugu Yimaado.


ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD