Madaxda Iyo Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Waxay Dhambaal Tacsi Ah Udirayaan Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Oo Hayadii Geeriyootay.

TACSI 15/12/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, Agaasimaha Guud ee Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur, Dhamaan Agaasime Waaxeedyada Iyo Dhamaan Shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland, waxay Dhambaal tacsi ah u dirayaan, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Faaduma Cismaan Xaaji Xasan Waxaanay sigaar ah uga tacsiyadeynayaan Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo Marxuumadu hooyadii ahayd.

 

Waxaanay Marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, haween-weynaha Somaliland, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

 

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warbaahinta,

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com

Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/

Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/

Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand

Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/