Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Dood Iyo Falanqeyn Ka Yeelatay Ilaalinta Danta Guud Iyo Hantida Maguurtada Dawladu Leedahay Wakhtiga Kala Guurka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Oo Dood Iyo Falanqeyn Ka Yeelatay Ilaalinta Danta Guud Iyo Hantida Maguurtada Dawladu Leedahay Wakhtiga Kala Guurka Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka.

Maanta oo bishu tahay 25-02-2021, Waxa qabsoomay Shirkii Agaasimayaasha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo uu shir guddoominayey Agaasimaha Guud ee Waaaaradda Dr. Jamaal Cabdi Muuse.

Ugu horrayn Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guryeynta oo warbixin dheer ka jeediyey ayaa soo bandhigay qaabka loo ilaalinayo dhulka danta guud wakhtiga kala guurka doorashooyinka lagu jiro, wuxuu soo bandhigay inay dhamaan Gobolada Dalka laga hirgalinayo unuga heeganka danta guud, iyada oo la adeegsanyo Ciidamada Booliska, dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay qorsheysanyihiin in wacyigalino la sameynayo, wuxuu muwaadinta uga mahadceliyey siday ula ilaaliyaan Wasaaradda dhulka danta guud.

Agaasimayaasha ayaa dood ka yeeshay ilaalinta hantida maguurtada dawladu leedahay wakhtiga dalku ku jiro doorashooyinka ku soo fool leh, madaama ay xukuumadda ka go’an tahay in xooga la saaro sidii loo ilaalin lahaa dhulka dawladu leedahay, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha.

Dood dheee iyo falanqeyn kadib, shirkan maanta qabsoomay ayaa markuu soo idlaaday waxa kasoo baxay qodobadan. 
1. Ilaalinta Danta Guud, siiba Wakhtiga kala guurka doorashada,
2. Hirgalinta Sameynta Unugga Heeganka Dhulka Danta Guid,
3. Dardargalinta guulaha Mashaariicda Horumarinta Dhismaha Dawladda,
4. Adkeynta nidaamka maamulka iyo xog wadaagga Wasaaradda, iyo shaqo wadaagteeda,
5. Qabashada shirka Injineerada Wasaaradda iyo Shirkaddaha Gacanta ku haya mashaariicda Dhismaha Dawladda,
6. Qabashada shirka Wadaagaha Infrastructure Sector.
7. Qurxinta Xarunta Wasaaradda,

Ugu danbayn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa ku adkeeyey Agaasime Waaxeedyada Iyo Shaqaalaha Wasaaradaba inay dardar-geliyaan sidii loo kormeerki lahaa loona ilaalin lahaa Dhulka Dawladu leedahay, Agaasime Jamaal ayaa sheegay in unuga heegan la daadajin doono ilaa Gobol kasta, Agaasimaha ayaa dhinaca kale Agaasimayaasha ku booriyey in dardargaliyaan shaqooyinkii kale ee uqorsheysanaa waaxaha ee ugu jirey ku talogalka qorshaha Wasaaradda ee saddex biloodka hore ee 2021.



ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ