Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Soo Qabanqaabisay Shirka Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo Maanta Hargeysa Ka Furmay.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Soo Qabanqaabisay Shirka Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo Maanta Hargeysa Ka Furmay.

07-03-2021 Hargeisa ’’Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud’’ Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Shirka Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka Oo Saddexdii Bilood Walba Mar La Qabto.

Waxaa kasoo qayb galay Wasaaradaha Ku midaysan Madasha Kaabayaasha Dhaqaalaha ee kala ah Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryenta, Wasaaradda Isgaadhiisnta Iyo Tiknoolajiyada, Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Hayadda Duulista Iyo Hawada Iyo Hayada Dakadaha Somaliland, Iyo Madaxda Haayadaha Qaramada Midoobay.

Shirka xubnaha kasoo Qeybgalay waxay kala ahaayeen Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Wasiirka Isgaadhsiinta Iyto Tiknoolajiyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyto Tiknoolajiyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Agaasimaha Waaxyaha Qorsheynta ee Wasaaradaha kala duwan, Iyo Xubno ka socday Hayadaha Qaramada Midoobay bah wadaagta la ah shirkan.

Shirkan intii uu socdy waxa looga hadlay Hadlay Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka, Dhegaysiga Warbixinada Waxaayabahii Qabsoomay Wasaaradaha xubnaha ka ah, Mashaariicda qabyada ah & Sidii loo dhamaystiri lahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey xubanah manta shirkan kazoo qeyblay, wuxuu warbixin dheer kasoo qeybgalayaasha ka siiyey muhiimada shirkan, isagoo sheegay in kaabayaasha dhaqaaluhu yihiin wadadii horumarka, ay tahayna iyadoo la isku duuban yahay in hal dhinac loowada jeesto, isagoo umahadceliyey hayadaha caalamiga ah ee mashruucan bahwadaagta ku yihiin.
Wasiirka Isagaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Dr. Abdiwali Sh. Abdilahi Suufi Jibriil ayaa faahfaahin ka bxiiyey mashruuca E-government ee hadda Wasaaradiisu gacanta ku hayso, isagoo tibaaxay inuu door muhiim ka qaadan doono horumarka iyo wada xidhiidhka Dawlada, wuxuu tibaaxay inay muhiim utahay isku imaatinka iyo qaabkii looga fikiri lahaa iyadoo la isku duubanyahay in horumar waar looga gaadhi lahaa dhinaca dhaqaalaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada casariga ah lana jaanqaadayo qaababaka dunidu manta isticmaasho.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaahi Ducaale Qambi oo si rasmiya kulanka ufurey ayaa ku dheeraaday halkay Somalilan maanta taagantahay iyo halkay ka timid, wuxuu dhinaca kale sheegay in kaabayaasha dhaqaaluhu yihiin wadadii horumarka run ahaantii ay inaga caawinayaan nabad galyada oo muhiimada gaar ah uleh dhamaan Dalka Somalilan oo dhan, sidoo kale wuxuu tilmaamay marka la haysto waddooyin wanaagsan adeeggyada Dowladduna bixinaysana yihiin qaar toosan in meelo aynaan hadda gaadhin la gaadhi doono. Wasiirku wuxuu ku dheeraaday kala xadeynta hayadaha Xukuumada, oo hayda kasta oo Dawladeed shaqadeedi qabsto.

Shirkan ayaa Saddexdii biloodba mar laqabtaa Waxaana looga arinsadaa Mashaariicda Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka waxaana ku kulma Wasaaradaha xubanaha ka ah mashruucan, Hay’adaha Caalamiga ah.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ