Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Maanta Abaalmarisay Shaqaalihi Ugu Wanaagsanaa Sannadka 2020

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Maanta Abaalmarisay Shaqaalihi Ugu Wanaagsanaa Sannadka 2020

Xafladdan Lagu Abaalmarinayey Qaar Ka Mida Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Ayaa Saaka Ka Qabsoontay Xarunta Wasaaradda, Xafladdan Ayaa Waxa Kasoo Qeyb Galay Agaasimaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur, Gudoomiyaha Hayada Shaqaalaha Dawladda, Gudoomiye Ku Xigeenka Hayada Shaqaalaha, Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradda, iyo Dhamaan Shaqaale Weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud.

Ugu Horeyn Agaasime Waaxeedka Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Yuusuf Siciid Acmed Ayaa Ka Sheekeeyey Qaabkay Usoo Agaasimeen Xafladdan Maanta Lagu Abaal Marinayo Shaqaalihii Horumarka Baddan Sameeyey Ee Kasoo Baxay Shaqadoodii, Waxaanu Xusey In Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Yihiin Kuwa Ugu Fiican Wasaaraddaha Dalka.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Amaanay Shaqaalaha Wasaarada, Waxa Kale Uu Sheegay In Shaqaaluhu Yihiin Qaar U Carbisan Shaqada oo Duruufo Kasta Ugu Xamilay. Waxaanu Yidhi Agaasime Mukhtaar.
Agaasimaha Waaxda Dhulka Iyo Guryaha Mudane Maxamuud Maal Cali Oo Afka Shaqaalaha Ku Hadlayey Ayaa Sheegay In La Abaalmariyo Maanta Shaqaale Ahaan, Laguna Dhiirigaliyo Inay Sii Wadaan Shaqada Ay Qaranka Uhayaan Ay Tahay Guul Wasaaradda Ah, Isla Markaana Sannad Kasta Laqabto.

Gudoomiye Ku Xigeenka Komishanka Maamul Wanaag Iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Iyo Gudoomiayaha Hayada Shaqaalaha Dawladda Ayaa Labadooduba Sheegay In Wasaaradda Hawlaha Guud Hormood Utahay Dhinac Walba Wasaaradaha Kale, Waxay Si Isku Mid Ah Ubogaadiyeen Una Hanbalyeeyen Shaqaalaha La Abaamarinayo.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/