Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Kulan La Xidhiidha Dhulka Danta Guud La Qaadatay Badhasaabada Dalka.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Kulan La Xidhiidha Dhulka Danta Guud La Qaadatay Badhasaabada Dalka.

15-02-2021 Hargeisa "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Kulan La Xidhiidha Dhulka Danta Guud La Qaadatay Badhasaabada Dalka.

Kulankan Waxa Hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse, Waxa Ku Wehelinayey Agaasimaha Guud  Ee Arimaha Gudaha, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Naqshadeynta Magaalooyinka, Maamulka Iyo Lacagta, Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada. Iyo Badhasaabada Dalka.

Kulankan Ayaa Lagag Dooday Sidii Loo Ilaalin Lahaa Dhulka Danta Guud, Hantida Maguurtada Ee Dawladu Leedahay, Wakhtiga Kala Guurka Ee Doorashooyinka Dawlada Hoose Ee Dalka Ka Qabsoomi Doona Busha Shanaad 2021.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Badhasaabadda Ka Codsaday Inay Kala Shaqeeyaan Sidii Usugmi Lahaa Dhulka Dawladu Leedahay Wakhtiga Doorashada, Wuxuu Agaasimuhu Sheegay In Qorshuhu Yahay Inay Sameeyaan Ka Wasaaradd Ahaan Unug Heegan Ah Oo Ka Shaqeyn Doona Dhulka Danta Guud.

Badhasabada Dalka Oo Isku Dhan Ayaa Balan Qaaday Inay Garab Istaagayaan Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Faajigaanta Ugu Jirta Sidii Aanay Ulumi Lahayn Dhulka Danta Guud Ee Dawladu Leedahay, Waxay Bogaadiyeen Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud Ee Goboladooda Ku Kala Sugan.

Markii Kulanku Soo Dhamaaday Waxa Warbaahinta La Hadlay Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Mr. C/raxmaan C/laahi Wirdaani.
https://youtu.be/5toG6YTzQ1E

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ