Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Degmadda Agabar Ka Bilawday Town Plan.

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Degmadda Agabar Ka Bilawday Town Plan.

Isu duwaha gobolka gabiley Cabdi Cali Cilmi oo ugu horayntii ka war bixiyay town plankan loo samaynayo Magaaladda layaa sheegay in hawshani in mudo ah ay soo socotay imikana hirgalintedii bilaabmatay. ka Wasaarad ahaana ay nashqada cusub ee magaalada agabar yeelanayso ay soo diyaarineen iyo 
Injineeda ka shaqaynaya fulinteedana ay leedahay wasaarada hawlaha guud.

Sidoo kale iskuduwuhu wuxuu kula dardaarmay Maamulka Dawlada Hoose iyo Dadwaynahba in Wadooyinkaas oo uu galay tac badan la ilaaliyyo.

Gudoomiyaha Degmada Agbar Idir Jaamac Xasan oo xafladii furitanka ka hadlay aya sheegay in ka degmo ahaan ay wx way ka tari doonto town plankan loo samaynayo agabar.
Sidoo kale waxa uu sheegay in town planku sare u qaado doono dhaqaalaha kasoo baxa degmadan
Waxaanu dadwaynaha reer agabar uu sheegay inay soo maal gashadaan degmado.

Sidoo kale Gudoomiyihu wuxuu sheegay in shirkadaha waawayn ee wadanka iyo xarumaha dawladuba kusoo dhiradaan degmadan si degmadu horumar waar u gaadho, wuxuu si gaara ugu mahad naqay wasaarada hawlaha guud oo uu ugu hereeyo wasiirka Wasaarada Cabdirashiid X,Ducaale (Qambi), Agaasimaha Guud ee Wasaarada Jamaal Cabdi Muuse, Agaaasime Waaxeedada iyo dhamaan Injineerada Wasaarada Isagoo uga mahad celiyay hawshaa ay u dhabar adaygeen fulinteeda oo runtii reer agabar wax wayn tari doonta mustaqbalka magaaladana saamayn togan ku yeelan doonta. Waxaanu sidoo kale u mahadnaqayaa gudoomiyaha gobolka Gabiley Cabdikarim Xaaji Diiriye.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ