Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Dhameysay Dhisme Cusub Oo Wasaaardda Udhisaysay


Wasaarada Hawlaha Guud Oo Qaranka Uqaabilsan Dhismayaasha Dawladda Ayaa Dhameysay Dhisme Cusub Oo Ay Udhistay Wasaaradda Maaliyadda, Halka Uu Gabogabo Marayo Dhisme Lagu Kordhinayey Xafiiska Hantidhowraha Guud Ee Qaranka.

Dhismayaashan Ayaa Ah Qaar Ay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Ay Leedahay Naqshadooda, Qiimeyntooda Iyo Ilaalintooda Tayadooda Dhisme, Iyadoo Wasaaradda Ay Ku Wareejin Doonto Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dhismahoodan Cusub Ee Hadad Dhamaaday, Halka Xafiiska Hantidhowraha Qarankana Marka Uu Dhismahaasi Dhamaado Iyagana Lagu Wareejin Doono.

Agaasimaha Waaxda Dhismaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. Axmed Haybe Colijoog Ayaa Soo Kormeerey Isla Markaana Shirkadihii Gacanta Ku Hayley Dhismayaasha Midna Kala Soo Wareegay, Halka Shirkadda Kalana Kusoo Kormeerey Shaqada Dhisme Ee Ay Hayso.

Xafiiska Dhismaha Iyo Naqshadeynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Markasta Heegan Ugu jira Sidii Loo Ilaalin Lahaa Tayadda Dhismayaasha Ee Qaranka Loo Dhisayo, Iyadoo Dhamaan Injineeradda Wasaaradda Ee Gobolada Ku Kala Sugan Ay Ilaaliyaan Dhamaan Dhismayaasha Dawladu Ka Dhisanayso Goboladda iyo Degmooyinka Dalka.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ