WAR-MURTIYEED: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta Jamhuuriyada Somaliland.

WAR-MURTIYEED: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta Jamhuuriyada Somaliland.
+++++++++++++++++++++++++++++++++++
Shir Sannadeedkii Wasaaradda 02-04 Feb 2021
HORDHAC:
Ugu horreyn, Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland waxay magaalada Borama ku qabatay shir Sannadeedka Dib u Eegista Waxqabadkii Wasaaradda Ee 2020 Iyo Dejinta Qorshe Sannadeedka Wasaaradda Ee Sannadka 2021 oo socday 02-04 Feb 2021. Iyada oo ujeedka shirku ku saabsanaa:
1. In la xoojiyo hannaanka maamulka, hoggaaminta iyo qiimeynta hawlaha shaqo ee Wasaaradda,
2. In dib u eegis lagu sameeyo wixii ka qabsoomay iyo wixii qabyo ah qorshaha sanadkii 2020
3. In daaha laga rogo lana gufeeyo galdaloolooyinkii jiray sanadkii 2020
4. In shacbi weynaha reer Somaliland si joogta ah loola socodsiiyo kaalinta wasaaraddu kaga jirto horumarinta dalka
5. In Diiradda lagu Saaro dejinta Qorsheyaasha Iyo Mudnaanaha Wasaaradda Ee Sannadka 2021,
6. In xogaha shaqo iyo qorsheyaasha degsan ay wadaagaan waaxyaha, Qaybaha, Xafiis Unugeedyada iyo Isku Duweyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland. Si loo kobciyo nidaamka wada shaqeynta, daah-furnaanta, isla xisaabtanka, Iskaashiga iyo xog wadaagga guud,
7. In la dhiirigaliyo aragti-wadaagga, dulqaadka shaqo, iyo horumarinta hal-abuurnimada,
8. In la adkeeyo nidaamka xog kaydinta iyo xidhiidhka shaqo ee Wasaaradda,
9. In la dejiyo goor-shaqeedyo cayiman “Timelines”, iyo dardargalinta habka go’aan qaadashada tolmoon.
AJANDAHA SHIRKA:
Haddaba, ajandaha Shir Sannadeedka Dib u Eegista Waxqabadkii Wasaaradda Ee 2020 Iyo Dejinta Qorshe Sannadeedka Wasaaradda Ee Sannadka 2021, waxa ka mid ahaa qodobadan soo socda:
1. Qiimeynta Iyo Dib u Eegista Waxqabadkii Wasaaradda Ee Sannadkii 2020, iyada oo laga duulayo ogaalnimada qabyada, qabsoonka/guulaha iyo qallooc-tirka caqabadaha qorshe Sannadeedkii 2020.
2. Ogaanshaha hirgalkii/waxqabadkii Wasaaradda iyo heer-fulista mashaariicda horumarinta ee 2020.
3. Falan-qeynta mudnaanihii Wasaaradda ee Sannadkii 2020, iyada oo ay Waaxyaha iyo Isku Duweyaasha Wasaaraddu jeedin doonaan bandhig-hadaleed “Public Presentation” shaqo.
4. Dejinta Qorshe Sannadeedka Wasaaradda Ee Sannadka 2021 “Ministry’s Annual Work Plan in 2021”. Kaasi oo ay safka hore kaga jiraan qodobadan soo socda:
• Qabashada dood-kooxeedyo “Group Discussion” iyo talo wadaag hufan, iyada oo diiradda la saarayo fahanka caqabadaha iyo sameynta nidaamyada xallinta Khilaafaadka.
• Xoojinta hirgalinta, qiimeynta, dabagalka iyo Kormeerrada Mashruuca Horumarinta Ee Dawladda, Dadweynaha Iyo Kuwa lagu caawiyo ee Jamhuuriyadda Somaliland.
• Dardargalinta qabashada shirarka Wadaaggaha Kaabeyasha “Infrastructure Sector”,
• Sameynta Qorshaha Heeganka iyo Adkeynta Hannaanka Ilaalinta dhulka Danta Guud.
• Dejinta Qorsheyaasha, Habraacyada, Siyaasaddaha iyo qabyo-qoraallada Mashaariicda Sharci.
• Iwm.
Go’aamadda Shirka:
Kaddib, muddo saddex maalmood ah oo ay oo ay mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada, la Taliyeyaasha Isku Duweyaasha gobollada, madax qaybeedyada, madaxda mashaariicda, hawl-wadeennada iyo aqoonyahannada Wasaaraddu ay magaalada Borama ku yeesheen kulan Sannadeed diiradda lagu saaraywada tashi, talo wadaag, lafo-gur, gorfeyn, iyo aragti-wadareed tolmoon oo ku sargo’an xilka, mas’uuliyadda iyo waajibaadkaWasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta u qaabilsan tahay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo waafaqsan Xeerka Kala Xaddeynta Nidaamka Xukuumadda Iyo Hay’addaha Madaxabannaan, xeer Lr. 71/2015, qodobkiisa 34aad, iyo Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha Iyo Hay’addaha Xukuumadda , Xeer-nidaamiye Lr.01/2018, qodobkiisa 30aad ayaa maanta 04.02.2021 laga soo saaray go’aamo taabanaya laf-dhabarta waajibaad ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin:
1. Boggaadinta iyo u mahad-celinta hawl-wadeennada Wasaaradda ee ku suntan qaban-qaabinta, hirgalinta, hagitaanka, hab maamuuska iyo soo dhaweynta ka qayb-galeyaashii madashada shirka.
2. Dardargalinta iyo dhammeystirka mashaariicda Horumarinta ee Wasaaraddu ka dalka ka waddo, sida qorshe magaaleedyada, diiwaan-galinta hantida Maguurtada ah ee Dawladda iyo dhawrista tayada dhismaha iwm.
3. Diyaarinta Mashruuca Horumarinta Guriyeynta Shaqaalaha Dawladda,
4. Hirgalinta Mashruuca Qorshe Magaaleedka Borama “Master Plan Project in Borama”,
5. Fulinta Dhismaha Buundada/Biriijka Magaalada Gabilay,
6. Dardargalinta Qabashada Kulamada Wadaagaha Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha“Infrastructure Sector”iyo wadaage-hoosaadyada “Sub-sectors”Iyada oo qiimeyn iyo ogaal tolmoon lagu sameynayo hirgalka/ waxqabadka wadaaggaha Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha “Infrastructure Sector” iyo wadaage-hoosaadyada “Sub-sectors” ee 2017-2021. Si loogu diyaar-garoobo doorka Wasaaradda ee ku aaddan ka qayb-qaadashada dejinta Qorshaha Saddexaad ee Horumarinta Qaranka JSL “NDP-III” oo la la Kaashanayo Wasaaradda Qorsheynta Iyo Horumarinta Qaranka.
7. Sameynta Unugga Heeganka Ilaalinta Dhulka Danta guud Guryaha Dawlada ee Qaranka JSL.
8. Hirgalinta Hubinta Tayada Nashqadeynta Iyo Nidaamka Dhismaha Guryaha Dadweynaha JSL, iyada oo la raacayo jideynta sharci ee ku cad xeerar Lr. 71/2015 qodobkiisa 34aad iyo xeer-nidaamiye Lr.01/2018, qodobkiisa 30aad oo si cad u qeexaya in Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta JSL ay qaranka uga mas’uul tahay dayactirka, dhisidda iyo Hubinta bad-qabka guryaha dadweynaha.
9. Dardargalinta Sameynta Nashqaddaha, Qiimeynta Iyo kormeeridda Mashaariicda Horumarinta Dhismaha Dawladda iyo kuwa lagu caawiyo qaranka JSL. Iyada oo la raacayo jideynaha Digreetada Madaxweyne ee tixraaceedu yahay JSL/M/WM/222-350/012011, kuna taariikheysan 31.01.2011.
10. Dejinta Siyaasaddaha, Habraacyada, Iyo Xeerarka Maamulka Dhulka, Guriyeynta, iyo Dhismeyaasha.
11. Xoojinta Awooddaha Shaqo Ee Wasaaradda Iyo Fulinta Tababarro Aqoonsi ah “Capacity Building”.
12. Sameynta barnaamijyo wacyi-galineed oo kor loogu qaadayo aqoonta bulshada Somaliland ee ku saabsan fahanka ahmiyadda dhulka, Guriyeynta, Dhismeyaasha iyo Danta Guud.
13. Dhismaha, Kobcinta iyo kor u qaadista waaxda hawlaha guud ee D/hoose ee dalka iyada la raacayo nidaamaka maamul daadajinta.
14. Midaynta habka diwaangalinta iyo sharciyeynta dhulka iyo dhismeyaasha ee magaalooyinka iyo degmooyinka dalka.
15. Wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo guryeyntu waxa ay bogaadinaysaa hawlwadeenadii ka qaybqaatay 70 mashruuc oo dhisme ah oo laga maalgaliyey miisaaniyadda dawlada lagana fuliyey dhamaan gobolada dalka sanadkii 2020.
Xuquuqda Qoraalka: Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka IyonGuriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland.
=Dhammaad=