Waaxda Dhulka Ayaa Maanta Burburisay Seesas Si Sharci Daro Ah Looga Dhisanayey Meel Wado Dhexdeed Ah


Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Ayaa Maanta Burburisay Seesas Si Sharci Daro Ah Looga Dhisanayey Meel Wado Dhexdeed Ah, Oo Ku Taala Degmadda Ibraahim Koodbuur Ee Magaaladda Hargeisa.

Agaasimaha Waaxda Dhulka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng Axmed Maxamed Faarax Ayaa Amrey In La Dumiyo Saasaskan Sida Sharci Darada Ah Loo Dhisanayey Iyadoo Wadada Loo Badalayey Dhul, Iyadoo Uu Hawlgalkan Uu Uxilsaaray Eng Mukhtaar C/raxmaan Maal

Hawlgalkan Ayaa Lagu Burburiyey Seesas sharci Daro Ah, Kuna Yaalay Xaafadada Badda Cas Ee Degmada Ibraahim Koodbur, Kooxda Heeganka Ilaalada Danta Guud Kuso Burburiyeen Seesas Sharci daro ah oo laga dhisay wadooyin lana doonayay in lagu dhulaysto wadooyinka xaafaddaa dhexdeeda.

Kormeerayasha ilaaliya danta oo mar walba u heegana ilaalinta dhulka danta guud ah ayaa mar walba heegan ugu jira sidi loo ilaalin lahaa danta guud ee gobolada somaliland guud ahnba


Fiiro gaara:
Dhamaan dadwayanaha waxaan la socodsinyanaa inay wixii dan guud ah ee lagu takri falayo laso xidhidhan wasaarada hawlah guud dhulka iyo guryaynta.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ