Shirweynaha Waxqabadka Wasaaradda Ee 2020 Iyo Falanqeynta Qorshaha 2021 Ayaa Maanta Ka Furmay Xarunta Wasaaradda.

Shir-waynaha Qiimaynta Waxqabadka Wasaaradda Ee 2020 Iyo Falanqaynta Qorshaha 2021. 
----------------------------------------

30-12-2020  Hargeisa "Xafiiska Wasaaradda Hawlaha Guud"  Shir-waynaha Qiimaynta Waxqabadka Wasaaradda Ee 2020 Iyo Falanqaynta Qorshaha 2021. 

Waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay xarunta Wasaaradda shir lagu qiimaynayo waxqabadka wasaaradda ee 2020 islamarkaana lagu falanqaynayo qorshaha sanadka 2021 ee wasaaradda.  Shirkan oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Ay Kasoo Qaybgaleen Dhamaan Agaasimeyaasha Waxaha.

Inta uu shirkani socdo waxa diirada lagu saari doonaa warbixinta waxqabadka waaxaha kala duwan ee wasaaradda oo ay soo bandhigi doonaan agaasime-waaxeedyadda wasaaraddu. waxa sida oo kale lagu lafa-guri doonaa qorshaha sanadka 2021 oo xooga lagu saaray sidii loo tayeyn lahaa adeegyadda wasaaraddu qaranka u igman tahey.

 Ugu danbayntii, shirkan ayaa ah mid joogto ah oo lasoo qaban-qaabiyo sanadkasta mar si looga midho-dhaliyo qorshayaasha wasaaradda si adeegyadda wasaaraddu u gaadho bulshadda Somaliland islamarkaana loo gaadho yoolasha horumarka ee u dagan wasaaradda.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/