Shirkii Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Bilaha Ahaa Ayaa Saaka Ka Qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda.

Shirkii Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Bilaha Ahaa Ayaa Saaka Ka Qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda.
............................................................................................

09-03-2021 Hargeisa "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Shirkii Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Bilaha Ahaa Ayaa Saaka Ka Qabsoomay Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda.

Xarunta Wasaaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta waxa saaka ka qabsoomay shirka shaqaalaha Wasaarada oo uu gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradu Dr. Jamaal Cabdi Muuse,  waxaana si rasmi ah u furay Shirkani Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Mr. Jamaal Colaad.

shirkani ayaa dib loogu eegayey Waxyaabihii ka qabsoomay qodabadii laysla qaatay shirkii kan ka horeeyey waxaana si rasmi loo gudo galay in shaqaalaha la dhagaysto, oo xubnihii shaqaalaha ahaa ee saaka shirka kasoo xaadirey qeybo kamida fikirkooda iyo rayigooda la dhagaystay.

Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Nasra Maxamed Muuse Ayaa mid mid uga jawaabtay cabashadi iyo baayihii shaqaaluhu sheegteen, waxaanay hoosta ka xariiqday inay sameyn doonaan sanduuq cabasho oo shaqaaluhu iyagoo magacooda qarinaya baahidooda kusoo qortaan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa sheegay in shirkan joogto noqon doono, wuxuu shaqaalaha ku wargaliyey in Hayada shaqaalaha Dawladu ay dib u eegis ku sameyn doono qaab dhismeedka Wasaaradda, wuxuu shaqaalaha ku booriyey inay is caawiyaan oo midkii jilicdsan la ogaado, wuxuuna shaqaalaha ku dhiirigaliyey in horusocod iyo shaqo wadaag lala yimaado, shaqada Wasaaradu Qaranka uga wakiilka tahayna aynu kasoo baxno, dhamaan xilka wadasaaran shaqaalahan Alle ku asturo.

Gabagabdii Kulankan waxa soo afmreeray Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo bigaadiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ee shirka shaqaalaha ee bilaha ah soo kordhiyey, wuxuu shaqaalaha usheegay in xiligan la joogo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradu isku rogeen wada dhalinyar, taasna tahay imtixaan dhallinyaro ahaan iyo shaqaale ahaanba lagu eegayo, wuxuu shaqalaaha faray in qof kastaa shaqada uu Wasaaradda ka hayo iyo booska uu joogba shaqada laga rabo kasoo baxo, shaqadana si wadajira oo walaaltinimo ah loo wada shaqeeyo.

Gunaanadkii shirkan oo ahaa mid wakhti dheer iyo dood badan qaatay kadibna waxaa laysla qaatay sii dar dar galinta hawlasha shaqo ee ay wasaaradu u xil saaran tahay.

ALLAA MAHAD LE
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ.