Shirkii Agaasime Waaxeedyada Ee Todobaad Laha Ahaa Oo Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

Shirkii Agaasime Waaxeedyada Ee Todobaad Laha Ahaa Oo Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
----------------------------------------

18-02-2021  Hargeisa "Xafiiska Wasaaradda Hawlaha Guud"  Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Shirkii Agaasime Waaxeedyada Ee Todobaad Laha Ahaa Oo Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.

Shirkan Waxa Maanta Kasoo Qeybgalay Dhamaan Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Agaasime Ku Xigeenada, Iyo Lataliyaasha Wasaaradda, isla markaana Agaasime Waaxeed kastaa uu ka warbixiyey shaqadii uqabsoontay Waaxdiisa. 

Intii shirkani socday waxa diirada lagu saaray qorshaha waxqabadka waaxaha ee saddex biloodka,  waxa sida oo kale lagu lafa-guray yagleelka unuga heeganka danta guud oo Waaxda dhulku soo abaabushay, sidoo kale waxa laga dooday sidii loo tayeyn lahaa adeegyadda Wasaaraddu Qaranka u igman tahey.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa warbixin dheer shirka ka jeediyey wixii Wasaaradda uqabsoomay mudadii uu joogay, wuxuu sidoo kale Waaxaha ku baraarujiyey in qorshaha la dajistay uu ka dhalanayo isla xisaabtan waax kasta ah, sharafna utahay Waaxaha Iyo Wasaaradaba inuu kulankan joogta ah layeesho maadama Wasaaradu tahay mid xil weyn Qaranka ugu xilsaaran, 

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/