Shirkii 18-aad Ee Diiwaangalinta Hantida Maguurtadda Dawladda Somaliland Oo Hargeisa Ka Qabsoomay

Shirkii 18-aad Ee Diiwaangalinta Hantida Maguurtadda Dawladda Somaliland Ayaa Maanta Qabsoomay.

Diiwaangalinta Hantida Maguurtadda Dawladda Somaliland Oo Ay Kawada Shaqeeyaan Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Maanta Shirkoodii Bilaha Ahaa Ee 17-aad Ee La Iskaga Xigwareysto Qaabkii Loo Diiwangalin Lahaa Hantida Maguurtadda Dawladda Somaliland Ayaa Saaka Qabsoomay.

Shirka Ayaa Saaka Ka Qabsoomay Xafiiska Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Ayna Goobjoog Ka Ahaan Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile, Wasiir Ku Xigeenka Maaliyadda, Iyo Agaasime Waaxeedo Ka Kala Socda Labadda Wasaaradood Ee Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Horumarinta Maaliyadda.

Shirkan Ayaa Saaka Warbixino Lagaga Dhagaystay Madaxa Hantida Maguurtadda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Sidoo Kalana Lagaga Dooday Diiwangalinta Hantida Maguurtadda Dawladda Oo Dhamaad Ku Dhaw, Iyo Sidii Loo Bilaabi Lahaa Diiwangalinta Dawladaha Hoose ee Dalka. Dhinaca Kale Agaasimaha Waaxda ICT-ga Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Soo Bandhigtay Qaabka Cusub Ee Loo Diiwangalinayo Shirkadaha Dhismayaasha, Isla Markaana Nidaamka Cashuuraha Ee Wasaaradda Maaliyadda Lagu Xidhayo.

Ugu Danbay Labada Wasiir Ee Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Iyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire Ayaa Agaasime Waaxeedada Labada Wasaaradood Ee Gacanta Ku Haya Shaqadan Diiwangalinta Hantida Maguurtadda Dawladda Kula Dardaarmay In Shaqaddan Diiwangalinta Degdeg Sidii Loogu Dhameyn Lahaa Looguna Soo Afmeeri Laahaa Ay Gudo Galaan, Isla Markaana Shaqadda Ugu Dhiman Hayadaha Dawladda Ee Madaxa Banaan Iyo Dawladaha Hoose Ee Dalka Ay Shaqadood Degdeg Ugudogalaan, Isla Markaana Degdeg Usoo Gabogabeeyaan.


ALLAH MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime ku xigeenka Waaxda Warbaahinta ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMAAD