Shirka Dib U Eegista Qorshihii 2022 iyo Dajinta Qorshaha Cusub 2023 Ee Wasaarada Hawlaha Guud


Shirka dib u eegista qorshihii 2022 iyo dajinta qorshaha Cusb 2023 ee Wasaarada hawlaha guud ayaa saaka ka qobsoomay Hoolka shirarka ee wasaarada hawlaha guud,
Shirkan oo uu shirgudoominayay wasiirka wasaarada hawlaha guud Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile oo uu ku weheliyo wasiir ku Xigeenka wasaarada hawlaha guud Mudane Maxamud Warsame Jaamaciyo agaasimah guud ee wasaarada hawlaha guud mudane Maxamuud Suldaan Aadan (Dawlad)

Ugu horayntii agaasimaha waaxda qorshaynta Eng Maxamed Xuseen oo ka warbixiyay sida ay waax walba u qabatay waxqabadkii u qorshaysnaa sanadkii tagay ayaa soo bandhigay qiimanta lagu sameeyay waax kasta iyo wixii u qabsoomay, isla markaana soo bandhigay qorshaha cusub ee ay waax walba soo gudbisay sanadkan 2023.

Falan qayn iyo dood dheer ka dib wasiirka wasaaarada hawlaha Guud mudane mustafe maxamuud cali bile oo soo xidhay shirka ayaa dhamaan u mahad celiyay sida wanaagsan ee ay waax walba usoo bandhigtay wax qabadkeeda sanadkii hore isla markan usoo bandhigtay qorshaha cusub ee 20223.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/