Shir-waynaha Qiimaynta Waxqabadka Wasaaradda Ee 2020 Iyo Falanqaynta Qorshaha 2021.

Shir-waynaha Qiimaynta Waxqabadka Wasaaradda Ee 2020 Iyo Falanqaynta Qorshaha 2021.


Waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Hotel-ka Saw ee Magaaladda Boorama shir lagu qiimaynayo waxqabadka Wasaaradda ee 2020 islamarkaana lagu falanqaynayo qorshaha sanadka 2021 ee Wasaaradda. Shirkan waxa furey Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, wuxuuna socon doonaa mudo saddex cisho ah.

Shirkan waxa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Dhamaan Agaasime Waaxeedyada, Iskuduwayaasha Goboladda, Iyo Lataliyaasha Wasaaradda Hawlaha Guud.
Inta uu shirkani socdo waxa diirada lagu saari doonaa warbixinta waxqabadka waaxaha kala duwan ee wasaaradda oo ay soo bandhigi doonaan agaasime-waaxeedyadda wasaaraddu. waxa sida oo kale lagu lafa-guri doonaa qorshaha sanadka 2021 oo xooga lagu saaray sidii loo tayeyn lahaa adeegyadda wasaaraddu qaranka u igman tahey.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Eng Ciise Maxamuud Ciise Ciise ayaa warbixin dheer halkaa kasoo jeediyey, wuxuu sheegay in sannadka 2020 ahaa sannad guulo badan la gaadhay, wuxuu hoosta ka xariiqey in qorshayaasha ugu waaweyn halkana lagu odorasi doono uu kaw ka yahay in Boorama sannadka Wasaaradda Hawlaha Guud ka hirgaliso Master Plan.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa soo dhaweeyey Madaxweyne Ku Xigeenka, sharafna utahay Wasaaradda inuu kulankan kala soo qeybgalo, wuxuu sheegay sidoo kale in saddexda cisho ee halkan la joogo la qorsheyn doono ku talogalkii Wasaaradda ee 2021, kadibna waax kasta lagu dabogali doono.
Maayirka Degmadda Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xadi ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ku hanbalyeeyey in sannadkan magaladan usameynayaan Master Plan, isla markaana abaal weyn ugu hayaan, Badhasaab Xigeenka Gobolka Awdal ayaa isna dhinaciisa Wasaaradda Hawlaha Guud ku bogaadiyey inay doortaan Magaaladda Boorama si ay ugu qabsadaan shirkoodan, taasna sharaf utahay Gobolka Awdal.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa isna dhinaciisa sheegay in sannadkii 2020 ahaa sannad guulo badan Wasaaradu gaadhay, Master Plan-kii loo sameeyey Degmadda Ceerigaabo, in la ilaaliyada tayadda Dhismeed dhamaan dhismayaashi xukuumada loo dhisay 2020 iyo sannadadi ka horeeyeyba, in dantii guud oo laga jarayo beeraha Degmadda Gabilay, Wasiirka ayaa sannadkaa 2020 ku sheegay sannad Wasaaradu guuleysatay, qorshan hadda la dajinayana Ilaahay ka baryey inuu ufudeydiyo, dhamaan Agaasime Waaxeedadana faray in la isla xisaabtami doono markuu qorshahaasi dhamaado.

Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Daylici ayaa Wasaaradda Hawlaha Guud ku amaanay inay kulankan qabsato, dajisato qorshaheed ay ku hawlgalayso sannadka soo socda 2021, wuxuuna aad ugu hanbalyeey Wasaaradda in sannadkan ay Magaaladda Boorama usameynayaan Master Plan.

Ugu danbayntii shirkan ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laqabto, waxaana ku guuleystay qabashadiisa Agaasimaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse, wuxuuna noqon doonaa mid joogto ah oo lasoo qaban-qaabiyo sanadkasta, si looga midho-dhaliyo qorshayaasha wasaaradda si adeegyadda Wasaaraddu u gaadho bulshadda Somaliland islamarkaana loo gaadho yoolasha horumarka ee u dagan Wasaaradda.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/
#WHDHG_2021