Shir Lagu Qiimeynayey Qorshaha Wasaaradda Ee 2021 Ayaa Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda.

Shir Lagu Qiimeynayey Qorshaha Wasaaradda Ee 2021 Ayaa Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda.

Waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay xarunta Wasaaradda shir lagu ansinayo waxqabadka wasaaradda ee 2021, Shirkan oo uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Ay Kasoo Qaybgaleen Dhamaan Agaasimeyaasha Waaxyaha, Agaasime Ku Xigeenada, Iyo Lataliyaasha.

Inta uu shirkani socday waxa diirada lagu saaray qaabka loo fulin doono qorshaha waaxyuhu soo gudbiyeen, waxaana sidoo kale lagu lafogurey mashaariic horumarineed oo Wasaaradu fulin doonto sannadkan 2021.

Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Eng Ciise Maxamuud ayaa sheegay inay ka waax ahaan maanta soo gudbinayaan qorshihii waaxaha kala duwan iyo Agaasime Waaxeedyadu usol gudbiyeen waaxda qorsheynta, isla markaan soo mideyeen ka waax ahaa.

Ugu danbeyn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dr. Jamaal Cabdi Muuse ayaa hoosta ka xariiqey in qorshaha sannadkan ee 2021 ee maanta halkan lagu faaqidey ay waax kasta maalmaha soo socda ay sharixi doonto qaabka ay ufulin doonaan, kadibna waax kasta lagu dabogali doono qaab fulinta qorshahaa maanta la ansiyey.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/