Wasiir C/rashii Xaaji Ducaale Qambi oo Fagaaraha Kala Hadlay Dadweynaha Degmada Wadaamo'goo

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Ololaha Xisbiga Kulmiye Kaga Qeybgalay Gobolka Togdheer.

Shacabka Magaalada Burco ayaa soo bandhigay dhoolla-tus ballaadhan oo ay ku soo bandhigeen fagaaraha khayriyada ee Magaalada Burco, halkaas kumanaan ka mid ah taageerayaasha kala duwan ee xisbiga KULMIYE ayaa socod lug ah ay ku wareegeen waddooyinka kala duwan ee magaalada, iyagoo kadibna u galbiyey dhinaca fagaaraha khayriyada oo ahayd goobtii loogu talogalay in lagala hadlo taageerayaasha.

Xubno ay ka mid yihiin Wasiirada Wasaaradaha Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Macdanta Iyo Tamarta Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, Horumarinta Kaluumaysiga Iyo Xanaanada Xoolaha Mudane Siciid Sulub Maxamed, Iyo Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare. Gudoomiyaha Hayada Barakacayaasha Qaranka Mudane C/kariim Maxamed Xinif Iyo Masuuliyiinta kale ee xisbiga ee Gobolka Togdheer.

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Eng C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu sheegay inuu KULMIYE caan ku yahay guusha, horena uu tartannada siyaasadda guulo isdaba-joog ah kasoo hoyn jirey, doorashadanna laga filayo inuu wacdaro kale ka dhigo,

Wasiir Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in Kumiye yahay xisbiga ugu Khibradda baddan, yahay xisbiga Dalka ugu da' Weyn, Togdheer dhamaanteed tahay Kulmiye, wuxuu dhamaan taageeryashaa Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Burco ka codsaday inay ucodeeyaan musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee uga tartamaya Golaha Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ