Kulanka Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu La Qaadatay Shirkadaha Dhismayaasha.


Kulankii Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu La Qaadatay Shirkadaha Dhismayaasha.
----------------------------------------
03-03-2021 Hargeisa "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Wasaaradda Hawlaha Guud, Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Somaliland Oo Fulisa Dhismayaasha Dawlada Loo Dhisayo, Ayaa Maanta Kulan La Qaadatay Shirkadaha Ka Shaqeeya Dhismayaasha Ee Gacanta Hadda Ku Haya Dhismayaasha Dawladda.

Kulankan Ayey Wasaaradu Shirkadaha Dhismayaasha Ugu Bandhigtay Siyaasadaha Cusub Ee Wasaaradu Ku Hagi Doonto Dhimayaasha Sannadkan, Liisamada Dhismaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Siiso Shirkadaha Dhismayaasha, Ilaalinta Tayada Dhismayaasha Dawlada Iyo Shacabkaba,

Ugu Horeyn Waxa Madasha Ka Hadlay Agaasimayaasha Waaxyaha Guryaha, Dhismaha, Iyo Qorsheynta Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Iyagoo Si Iskumid Ah Usoo Dhaweeyey Shirkadaha Dhismayaasha, Waxay Bogaadiyeen Xidhiidhka Wanaagsan Ee Ka Dhaxeeyey Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Shirkadaha, Iyagoo Ugu Bushaareeyey In Kualanda Noqon Doonaan Qaar Joogta Ah Oo Markasta Qabsooma.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Bogaadiyey Shirkadaha Maanta Kulankan Soo Ajiibay, Wuxuu Ku Bogaadiyey Kaalinta Muuhiimka Ah Ee Ay Ka Qaataan Kobcinta Iyo Dhisida Qaranka Somaliland, Wuxuu Ugu Bushaareeyey Dhamaan Shirkadaha Inay Kaalin Buuxda Ka Qaadan Doonaan Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Xirfadooda Shaqo, Wuxuu Tilaamay Inay Uqaban Doonaan Carwo Dhismayaasha Ah Oo Shirkad Waliba Kusoo Bandhigto Wax Soo Saarkeeda Dhisme, Isagoo Ugu Danbeyntii Dhiirigalin Iyo Waano Usoo Jeediyey.

Ugu Danbeyn Waxa Kulankan Soo Gunaanaday Wasiirka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, Isagoo Shirkadaha Usoo Jeediyey Inay Ilaaliyaan Tayada Dhismayaasha Ay Udhisayaan Dawlada, Shirkad Kastaana Ay Tahay Mid Lagu Aaminay Halkii Ay Gali Lahayd, Wasiirka Aya Sheegay In Dhamaan Liisamada Ay Siiyan Shirkadaha Dib Uhabeyn Lagu Sameyn Doono, Shirkad Kastaana Waxay Qabato, Liisankeeda Shaqo La Siin Doono.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ