Kulan Maanta Dhexmarey Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Kulan Maanta Dhexmarey Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.
...........................................................................................

23-02-2021 Hargeisa "Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud" Maanta Waxa Kulan Dhexmarey Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Iyo Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Kulankan Oo Maanta Ka Qabsoomay Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Uuna Hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Lagu Lafogurey Sidii Wasaaradda Maaliyada Looga Caawin Lahaa Soo Saarida Dakhliga Odoroska Miisaaniyadeedka 2021.

Kulan Maanta Qabsoomay Dhinaca Wasaaradda Maaliyada Waxa Kasoo Qeybgalay Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyada Mudane Muuse Salef, Agaasimaha Cashuuraha Bariga Mr. C/Salaan Busi, Iyo Saraakiil Kale Oo Ka Tirsan Wasaaradda Horumarinta Maaliyada.

Agaasimaha Cashuuraha Bariga Ee Wasaaradda Maaliyada Ayaa Oo Hadal Dheer Madasha Ka Jeediyey Ayaa Sheegay In Wasaaradda Hawlaha Guud Tahay Ilaha Dakhli Soo Saarka Dalka, Loona Baahanahay Inay Gacan Siiso Maaliyada, Sii Loo Soo Saari Laaha Dakhliyada Kala Duwan Ee Baaqada, Wuxuu Tilmaamay In Sannadkan Awooda La Saaro Sidii Kirada Guryaha Loo Wada Qaadi Lahaa Dhamaan Gobolada Dalka, Dhinaca Kalana Loo Qaadi Lahaa Ruqsada Shirkadaha Liisamada Dhismaha, Sidii Ay Isku Kaashan Lahaayeen Wasaaradda Maaliyada Iyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu.

Agaasimayaasha Waaxaha Qorsheynta Iyo Dhulka Iyo Guryaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Sheegay Inay Diyaar Uyihiin Inay La Shaqeeyaan Wasaaradda Maaliyada Sidii Ay Usoo Saari Lahayd Dakhliga Kutalogalka Qorsheysan Sannadkan 2021, Waxay Hoosta Ka Xariiqeen In Loo Baahanyahay Iskaashi Labada Dhinaca, Iyo Kulamo Joogta Ah Oo La Yeesho.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyada Mudane Muuse Salef Ayaa Sheegay In Kulankan Saaka Ahaa In Wasaaradda Maaliyadu Kulamo La Yeelato Wasaaradaha Dakhliga Soo Saara Kana Mid Tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Waxa Kale Oo Uu Sheegay In Sannadka Lagu Talijiro Sidii Loo Diiwaangalin Lahaa Dhamaan Hantida Maguurtada Dawlada, Hawshaana Larabo Inay Qabato Wasaaradda Hawlaha Guud, Lacagteedana Bixiso Wasaaradda Maaliyadu, Imika Wixii Kadanbeeyana La Sameynayo Gudiyo Labada Dhinac Ah Oo Si Joogta Ah Ukulma.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Dr. Jamaal Cabdi Muuse Ayaa Sheegay In Ka Wasaaradd Ahaan Soo Dhaweyanayaan Lana Shaqeynayaan Wasaaradda Maaliyada, Dhinaca Kala Diyaar Uyihiin Inay Hirgaliyaan Cashuuraha Sannadkan Lasoo Kordhiyey, Wuxuu Agaasimuhu Tilmaamay Inay Sannadkan Uqorsheysnayd Marka Horeba In Sannadka Dhamaan Guryaha Dawladda Ay Noqdaan Kiro Bixiyaal, Isla Markaana Kulan Uqabanayeen Shirkadaha Dhismayaasha Sii Loogala Hadlo Soo Xareynta Cashuuraha Ku Waajibay.

Ugu Dannbeyn Kulankaas Oo Saacado Badan Qaatay Ayaa Ahaa Mid Midho Dhal Ah, Kana Soo Baxeen Arimo Meel Ay Isla Dhigeen Masuuliyiinta Labada Wasaaradood.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/