Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Ee Gobolka Saaxil Mursal C/laahi Ismaaciil Ayaa Kormeerey Mashruuca Horumarinta Xeebta Berbera.


Iskuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ee Gobolka Saaxil Mursal C/laahi Ismaaciil Ayaa Kormeerey Mashruuca Horumarinta Xeebta Berbera.

Mashruucan oo ay maal galinayso Hay'ada UN-habitat kaas oo ay si wada jor ah u fulinayaan Wasaarada Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo leh kormerka shaqada supervision, Mashruucan dhinaca Dawladda Somaliland waxa kawada shaqeynaya Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaarada Qorshaynta Qaranka Iyo Dawlada Hoose Ee Berbera.

Mashruuca hirgalintiisa Waxa ku guulaystay labo shirkadood Amal Construction iyo Caalin construction company. iyagoo labadan Shirkadood fulin doona Mashruucan, inta uu socdo dhismaha Mashruucana waxa tayadda Dhisme ilaalin doonta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.


DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ