Hawlwadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Bilaabay Olalaha Soo Uruirnta Kiradda Maguurtadda Dawladda.

Hawlwadeenadda Waaxda Guryaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Saaka Olale Balaadhan Ku Qaaday Kaalmaha Shidaalka Dawladu Leedahay Ee Ku Yaala Magaaladda Hargeisa, Kuwaas Oo Ay Ku Amreen Inay Degdeg Usoo Bixiyaan Kiradii Ku Waajibtay.

Olalahan balaadhan ee saaka la fuliyey waxa hogaaminayey Agaasimaha Waaxda Guryaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Axmed Haybe Col-ujoog Iyo Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Guryaha C/raxmaan Xasan Ismaciil, iyagoo labaddan masuul horkacayeen shaqaalaha ka shaqaynaya olalaha dardar galinta kirada Kaalmaha Shidaalka Dawladda,

Olahan kiro bixinta Kaalmaha Shidaalka Dawladda ayaa ah mid ka bilawday saaka Magaaladda Hargeisa, iyadoo Olalahan uu si isku mid ah uga socon doono Dhamaan Magaalooyinka Iyo Goboladda Dalka. Iyadoo dhamaan Kaalamaha Shidaalka ee Dawladu leedahay ee ku yaala dhamaan Goboladda Dalka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu ay ka qaadi doonto kiradii Dawladu xaqa ugu lahayd si joogto ah.

ALLAA MAHAD LEH

DHAMMAAD