Hawlwadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Si Xawliya Uwada Xog-ururinta Qorshe Magaaleedka Magaaladda Berbera.

Hawlwadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ayaa Wali Ku Guda Jira Xog-ururinta Qorshe Magaaleedka ''Master Plan'' Wasaaradu Usameynayso Magaaladda Berbera

Xo-ururinta ayaa wali ka socota Magaaladda Berbera, Iyadoo xog ururintan looga danleeyahay Qorshe Magaaleedka “Master Plan” ay Wasaaradda Hawlaha Guud usameyn doonto Magaaladda Berbera, Hawlwadeenadan ayaa ku guda jira xogta rasmiga ah ee Magaaladda Berbera sidii loo heli lahaa.

Shaqadan xog ururinta Qorshe Magaaleedka Magaaladda Berbera “Berbera Master Plan” Ayaa hadda socotay muddo 10 cisho ah, iyadoo sii socon doonta ilaa laga dhameystirayo shaqadda Xog-ururinta, dhamaan Dadweynaha Magaaladda Berbera ayaa hawlwadeenada ka socda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta ee guryaha xogta kaga soo ururinaya kusoo dhaweynaha gacmo furan, iyadoo shaqaalaha Wasaaradda siinaya xogta ay uga baahanyihiin.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD