Hawlgalka Cagafyadda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Kaga Moosayaan Dooxa Weyn Ee Magaaladda Hargeisa Inaanu Kusii Fidin Xabaalaha Mako-durduro Iyo Dugsiga Maka Durduro.


Hawlgalka Cagafyadda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Kaga Moosayaan Dooxa Weyn Ee Magaaladda Hargeisa Inaanu Kusii Fidin Xabaalaha Mako-durduro Iyo Dugsiga Maka Durduro.

Hawlgalkan Oo Socday Tobankii Cisho Ee Udanbeeyey Waxa Ka Halgayey cagafyada Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Injineero La Tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud Ku Hawlanaayeen sidii ay Dooxa weyn ee Magaaladda Hargeisa uga leexin lahaayeen Xabaalaha Iyo Dugsiga ee waxyeeleeyey.
Hawlgalkan Waxa Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Ku Wehelinayey Wasaaradda Waxbarashada oo dooxu ku dhawaaday Dugsiga Maka Durduro, Iyo Wasaaradda Cadaaladda oo iyadna xabaalaha Maka Durduro oo ay ku asaanyihii dadkii ay leeysay kaliditaliyihii Wadanki Somaliya ka ariminayey 1969 ilaa 1991.
Waxay Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Hawlwadeenadeedu ku mashquulsanyihiin sidii ay gabayan loogu xidhi lahaa dooxa si aan usii fidin, iyadoo laga dhigay mashruuca qeybtiisa labaad sidii gebyenkaa loogu xidhi lahaa Dooxa, laakiin hadda Injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud waxay qorsheynayaan inay dooxa ka qabtaan inaanu sii fidin Raxmaadkan Alle ee hadda la rajeynayo oo halkiisa lagu qabto, isla markaana dooxa halkii saxda ahaa lamariyo, lagana horqaado geedaha iyo wax kasta oo biyaha udiiday inay tooskoodii maraan.
ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ