HAMBALYADA WASIIRKA EE MUNAASIBADDA CIIDUL ADXA

HAMBALYADA WASIIRKA: 19/07/2021

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Eng. C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi isagoo ku hadlaya magaciisa iyo kan shaqaale weynaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta, wuxuu dhamaan Hambalyo ah udirayaa dhamaan shacbi weynaha reer Somaliland, iyo guud ahaan Umadda Islaamka munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.

Waxaanu Wasiirku Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.

Ugu danbaynna, Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ