Gudida Naqshadeynta Qaranka Kulan Ay Yeesheen Xanibaad Ku Saarey Beeraha La Qorsheeyo Ee Magaaladda Hargeisa

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, Kulan Ay Yeesheen Ayey Xanibaad Ku Saareen Beeraha La Qorsheeyo Ee Magaaladda Hargeisa, Isla Markaana Amreen In Wasaaradda Hawlaha Guud Master Plan Usameyso Caasimadda Sida Ugu Dhakhsaha Baddan.

 

Sidoo Kale Gudida Naqshadeynta Qaranku Waxay Go'aamisay In Master Plan Loo Sameeyo Caasimadda Hargeisa, Lana Raadiyo Dhaqaalihi Ku Bixi Lahaa, Isla Markaan La Xidho Magaaladda Halka Dhismaha Magaaladu Maanta Ku Joogo.

 

Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Oo Warbaahinta La Hadlay Oo Ayaa Sheegay In Gudida Naqshadeynta Qaranku Go'aamisay In Xanibaad La Saaro Beeraha Magaaladda Hargeisa ee Qorsheynta Baahsan Lagu Hayo, Magaaladda Hargeisana Sida Ugu Dhakhsaha Baddan Loogu Sameeyo Master Plan.

 

Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Ayaa Dhinaca Kale Sheegay In Gudida Naqshadeynta Qaranku Wasaaradda Hawlaha Guud Fartay Inay Sida Ugu Dhakhsaha Baddan Usoo Dhameystirto Siyaasadi Maamulka Dhulka "Land Police". Dhinaca Kalana Maayiradda Magaalooyinka Kale In Ay Soo Gudbiyaan Dhulkii Danta Ee Laga Sugayey.

 

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed

Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD