Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Mashaariic Horumarineed Oo Waaweyn Ka Dhagax Dhigay Degmadda Xudun

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe Oo Safar Shaqo Ku Jooga Degmadda Xudun Ayaa Mashaariic Horumarineed Oo Waaweyn Ka Hirgaliyey Degmadaas.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horeyn isaga iyo waftigii uu hogaaminayey si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyey Degmadda Xudun, iyadoo odoyaasha Magaaladaas, dhallinyaradda, iyo waayeelkuba aanay ukala hadhin soo dhaweyn waftiga balaadhan ee uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Qaar Kamid Odoyaasha. Waayeel Iyo Mamaulka Degmadda Xudun oo madashii soo hadlayweynta ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Agaasimaha Guud ee maanta booqashadda ugu yimid Magaaladda, iyagoo umahadceliyey mashaariic horumarineed ee uu uwado, iyagoo ku amaanay kaalin weyn ee maanta ay ka daboolayaan Mashaariicdaa Agaasimuhu uwadaa, waxaanay ku amaaneen inuu kasoo baxay kaalintiisi mataaleed ee Degmadda iyo Deegankaba ku matalayey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe. Iyagoo ubalan qaaday inay garab taaganyihiin isaga iyo Xukuumadda uu ka tirsanyahayba.

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa ugu horeyn umahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey ee milicda u taagnaa, isagoo waayeelka, Dhallinyaradda, Odoyaasha Iyo Haweenka Degmaddaba ugu baaqey inay ilaashaadaan nabadooda, isagoo xusay meeshi nabad taalo ayuu horumar imanayaa, wuxuu si weyn ugu sheegay inay nabadda ilaashadaan.

Agaasime C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay inuu maanta Degmadda Xudun uwado mashaariic horumarineed oo kala ah.
1: Inuu wareejio Gadhiga Police-ka Degmada Xuddun
2: Dayactir lagu sameyn doono Deyrka Dugsiga Sarre ee Degmada Xuddun.
3: Dayactir lagu sameyn doono Saldhiga Dhexe Degmada xuddun.
Saddexdaa mashruuc ee waaweyn ayuu Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/laahi Maxamed Maxamuud Jiidhe hirgaliyey Degmadda Xudun oo uu safar shaqo ku joogo.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Gobolada Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD