Fadhigii 76-aad Ee Shirarka Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Qabsoomay

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Shirgudoomiyey Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Saaka Qabsoomay.

 Fadhigii 76-aad ee sannadkan 2023 ee Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo uu shir guddoominayey Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo ay goobjoog ka ahaayeen, Agaasimaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Dhamaan Agaasime Waaxeedada, Iyo Agaasime Ku Xigeenada, Wasaarada, ayaa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka EeWasaaradda.

Shirkaa ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, Qorshe Magaaleedka Magaaladda Hargeisa, Arrimaha ilaalinta Dhulka danta guud, Kirada Guryaha Dawlada, iyo Ilaalinta dhismayaasha Dawladda ee Wasaaradu Qaranka uga wakiilka tahay.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ