Fadhigii 62-aad ee sannadkan 2021 ee Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud Oo Qabsoomay

Wasiirka Hawlaha Guud Mudane C/laahi Abokor Cismaan Ayaa Saaka Shirgudoomiyey Shirkii Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Saaka Qabsoomay.

Fadhigii 62-aad ee sannadkan 2021 ee Agaasime Waaxeedada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta oo uu shir guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/laahi Abokor Cismaan oo ay goobjoog ka ahaayeen, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Agaasimaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Dhamaan Agaasime Waaxeedada, Agaasime Ku Xigeenada, Iyo Lataliyaasha Wasaarada, ayaa maanta ka qabsoomay Hoolka Shirarka EeWasaaradda, shirkaa ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha ilaalinta dhulka danta guud, kirada Guryaha Dawlada, iyo ilaalinta dhismayaasha Dawladda ee Wasaaradu Qaranka uga wakiilka tahay.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMMAAD