Booqashadii Dekedda Berbera Ee Maanta, Iyo Muujinta Hirgalka Guusha Qaranka Somaliland

Booqashadii Dekedda Berbera Ee Maanta, Iyo Muujinta Hirgalka Guusha Qaranka Somaliland
++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Waxay ahayd booqasho taariikhi ah, maxaa yeelay, halkani waa barta ay iska jaraan ama ay iskugu yimaaddaan Dekedda cusub iyo Dekeddii hore ee Berbera "Dekedda hadda shaqeysa". Waa meel dacalka u saaran xafiiska Hawl-fulinta Dekedda "Operations" oo ay aragtidiisa iigu danbeysay ku dhawaad 20 sanno ka hor.  

Mar kale, wakhti xaadirkan Dekedda Berbera waa mid mashquul badan, waana Deked ka kooban qayb qadiim ah iyo qayb dhisme cusub, Dekedda hadda shaqeusa ayaa ku hawlan bixinta adeegga Dekednimo ee bulshada, waxaana  ii muuqda agab, gaadiid, Koontaynaro iyo culeys shaqo oo ka miisaan wayn kii aan aqaannay xilligii iigu danbeysay imaatinka goobtan. 

Dhinaca kale, waxa hawlo shaqo oo baaxad wayni ka socdaan Dekedda cusub ee Berbera,  kuwaasi oo iskugu jira dhisme, qurxin, iyo muuqaalka heegga dheer leh ee agabka loo adeegsado adeegga Dekeddaha. Waa dheehasho la yaab leh, haddaan  xasuustayda dib ugu celiyo bilic dhul-badeedkii goobta Dekedda cusub laga binneeyey,  taasi oo ahayd xeeb qurxoon oo dhacda xeeligga ama dacalka badda Haamaha Shidaalka Berbera. Waxay ahayd goob laga halacsado xilliga habeennimada bilic-samaanta nal-tiriigga Dekedda, Hillaaca  Maraakiibta, iyo bidhaanta walhineysa  nuurka midabbada  isku sidkan ee ka muuqanayay gunta hoose ee biyaha labo baddoodda Dekedda Berbera iyo kuwa xeeligga  Badda Haamaha.

Dhab ahaantii, dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera, yagleelka Dekedda cusub, kordhinta agabka adeegga dekednimo, hoggaaminta, Horumarinta iyo wanaajinta hannaanka maamulka adeegyada Dekedda  ayaa maankayga ku kicinay ladh xasuuseed, dhidbannaan horumarineed, iyo sooyaal xidhiidho shaqo oo ku lingaxan dharaaro ku siman kacatinkaygii dhallinyaronimo iyo la fal-galistaydii adeegyada shaqo ee Dekedda Berbera.  Waayo, waxaan xilligaa ogaal helay in Dekedda hadda shaqaysa ay inoo dhiseen Dawlado waaweyn oo ay ka mid tahay Dawladda Maraykanka. Sidaa awgeed, waxa guul, gobanimo iyo faan dawladnimo ah in Jamhuuriyadda Somaliland dhisatay Deked ka wayn tii hore, ka badbaado wanaagsan, islamarkaana ka adeego quman.  

Sidoo kale, aan idin xasuusiyo walaahawgii dadka qaarkood ka haystay hirgalintii saxeexa heshiiskii Dawladda Somaliland Iyo shirkadda DP World ee dalka UAE, kaasi oo laga alkumay yagleelka Dhismaha  Dekedda cusub ee Berbera. Bal ila dhugo, goortaa waxa hawlaha horumarinta Dekedda Berbera ka dhashay Silsilad suugaaneeddii Miimleyda, oo ay Abwaanno waaweyni ku lahaayeen maansooyin diidmo iyo ka dayrin ah. Halka aniga iyo Abwaanno koobani aannu difaac iyo hiil u ahayn fulinta heshiiskii Dekedda "DP World and Somaliland"  oo horseed iyo ibbo-fur u noqday horuamrinta Dekedda Berbera. Si kastaba ha ahaatee, saw maanta ma habboona in aannu curinno silsilad suugaaneed cusub oo daah-qaadaysa guul-darrada aragtidii tabneyd ee diideyaashii heshiiska iyo horumarinta Dekedda Berbera. Balse, waxa muhiim ah in wax laga barto casharrada mahadhooyinka leh ee ku duugan sooyaalka horumarinta Dekedda Berbera oo hadda afar jir ah. 

Ugu danbeyntii, waxaan aad ugu mahadnaqayaa mareeyaha Guud Ee Hay'adda Dekeddaha Somaliland Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, oo aniga "Agaasimaha Guud" iyo  mas'uuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland nagu maamuusay booqashada iyo wax ka ogaalnimada horumarinka Dekedda Berbera. Iyada oo mar walba Wasaaraddu dhiirigalineysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalka oo ay ka tahay guddoomiye wadaaggaha Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha "Infrastructure Sector".  Halka Hay'adda Dekeddaha Somaliland ka tahay xubin firfircoon isla wadaagaha Horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha "Infrastructure sector". Waxaanan markasta diyaar u mahay iskaashi, iyo wada shaqeyn buuxda, taasi oo laga gaadhi karo horumar qaran iyo bixinta adeegyo hufan oo dawladeed.