Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa Magaaladda Berbera Ka Daahfurey Xog-ururitna Master Plan Wasaaradu Usamanayso Degmadda Bebrera

Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa Maanta Magaaladda Berbera Uga Daahfurey Shaqaale Ka Tirsan Wasaaradda Tobabar Ku Saabsan Habka Xog-Ururinta Iyo Diyaarinta Qorshe Magaaleed "Master Plan" Wasaaradu Usameynayso Magaaladda Berbera..

Tobabarkan Oo Socon Doona Muddo Labo Cisho Ah Ayaa Waxa Bixinayau Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Ee Wasaaradda Eng Eng Xuseen Maxamed Cabdlaahi (Mataan), Isagoo Shaqaalaha Siiyey Casharadi Kala Duwanaa Ee Looga Baahnaa Habka Loo Ururinayo Xogta Qorshe Magaaleedka Magaaladda Berbera Ee Dhawaan Wasaaradda Hawlaha Guud Ka Bilaabayso Degmadda Berbera.

Ugu Horeyn Waxa Soo Dhaweeyey Shaqaalaha Tobabarkan Loo Furey Iskuduwaha Wasaaradda Ee Gobolka Saaxil Mudane Mursal Isagoo Balan Qaaday Mudada Shaqalahan Joogaan Inay La Shaqeyn Doonaan, Tobabarkan Ay Qeyb Ka Noqon Doonaan Shaqaalaha Gobolka Iyo Qaar Ka Socda Dawladda Hoose Ee Berbera.

Agaasimaha Naqshadeynta Magaalooyinka Eng. C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa Ka Warbixiyey In Maanta Bilaabmayso Xog-ururinta Master Plan-ka Loo Sameynayo Berbera. Isagoo Shaqalahan Tobabarkan Qaadanaya Ku Dardaaray Inay Ka Faa'ideystaan Mudada Labada Cisho Ee Uu Socon Doono, Wuxuuna Ka Rajeeyey In Tobabarkan Markay Qaataan Xilka Saaran Kasoo Baxaan, Sifiicam Ugutaan Shaqada Halkan Loo Keenay.

ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/channel/UCSWWwo9EbRBS1gvEruuEYdQ