Agaasimaha Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Eng C/raxmaan Maxamed Aar Oo La Kulmay Shirkadda Laydhka Ee Magaladda Berbera

Agaasimaha Waaxda Naqshadeynta Magaalooyinka Eng C/raxmaan Maxamed Aar oo Ay weheliyaan Iskuduwaha WHG Ee Gobolka Saxil Mudane Mursal Iyo Agaasime Ku xigeenka Waaxda Naqshada Eng Xuseen Maxamed C/laahi Ayaa Kulan La Qaatay Shirkadda Laydhka Ee Magaladda Berbera Kulankaa Oo Ku Saabsanaa Xog-Ururinta Qorshe Magaleedka Berbera .

Agaasimaha Waaxda Naqshada C/raxmaan Maxamed Aar Ayaa La Wadaagay Doorka Shirkadda Laydhka Ee Master-planka Iyo Sidoo Kale Faa idooyinka Master Planku U Leeyahay Shirkadda Laydhka Wax Badana Uu Ka Xalin Doono Caqabadaha Ka Haysta Dhinaca Lines Ka Xadhkaha Laydhka Iyo Sidii Mustaqbalka Ay U Heli Lahaayeen Goobo Ku Haboon Mashiinada Iyo Kobaca Laydhka Magaladda.

Maamulka Shirkadda Laydhka Berbera Ayaa Uga war Bixiyay Iskuduwaha Iyo Agaasimayaasha Nashqada laydhka Magaladda Iyo Sidoo Kale Inta Meelood Ee Ay Magaladdu Laydhka Ka Hesho Haday Tahay Solar Iyo Haday Tahay Mashiinaba.

Sidoo Kale Madaxda Shirkadda Laydhka Degmadda Berbera Ayaa Sidoo Kale Uga Warbixiyay Caqabadaha Shirkadda Laydhka Ee Ka Haysta Naqshada Magaladda.
Ugu Danbayn Madaxda Shirkadda Laydhka Degmadda Berbera Ayaa Soo Dhaweeyay Qorshe Magaleedka Degmadda Berbera.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Goboladda Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.