Agaasimaha Guud Oo Tobabar Ufuray Hawlwadeeno Ka Kala Socday Magaalooyinka, Dawladaha Hoose Ee Dalka

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Saaka Tobabar Ku Saabsan Naqshadaynta Magaalooyinka Ufuray Hawlwadeeno Ka Kala Socday Magaalooyinka, Hargeisa, Burco, Boorma, Ceerigaabo, Berbera, Gabiley, Oodweyne, Sheekh iyo Qaar Kamida Shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud.

Tobabarkan uu maanta furey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, ayaa ku saabsanaa.
1) Tababarka habraacyada iyo halbeegyada isticmaalka dhulka (Training of Land use planning Standards and Guidelines)
2) Qorshaynta dhulka (Training of Spatial Planning and Place Making) iyo
3) Tababarka Surveying ka casriga ah (Training of Differential GPS)

Tababaradan ayaa ka bilawaday Hudheelka Carro-Edeg ee magalaada Hargeysa, waxa kaa faa’idaysan doona Agaasimayaasha waaxaha Hawlaha Guud ee degmooyinka (Director of Districts Public Works Departments) iyo Engineer-da degmooyinka (Districts Engineers) ee siddeeda Degmo ee kala ah Hargeysa, Burco, Boorma, Ceerigaabo, Berbera, Gabiley, Oodweyne, Sheekh iyo qaar kamida shaqaalaha Wasaaradda Hawlaha Guud, gaar ahaan Waaxda Nashqadaynta magaalooyinka ee Wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Eng. Maxamed Axmed Xuseen ayaa sheegay in tobabaradan ay qeyb ka yihiin siyaasadda guud ee Qaranka ee tayaynta shaqaalaha iyo Mashruuca Maamul Daadejinta ee loo yaqaan JPLG, isagoo xusay inay fulinayso tobabarkan Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta iyadoo ka kaashanaysa Haayadda UNHABITAT qeybteeda Maamul Daadejinta.

Ugudanbayn Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf ayaa hawlwadeenada ku baraarujiyey inay ka faa’ideystaan intay tobabarkan ku guda jiraan, hadhawna ku dabaqaan shaqooyinkooda, gaar ahaan Degmooyinka Dalka marka uu dhamaado inuu wax badan ka badeli doono nidaamka qorshayneed ee magaalooyinka kor xusan, kuwaasa oo lagu dabbiqi doono habraacyada, halbeegyada Nashqadaynta Magaalooyinka iyo Aqoonta kale ee ay ka faa’idaysan doonaan inta Tababarkan uu socon doono.


ALLAA MAHAD LEH

C/kariim Maxamed Guuleed
Agaasime Ku Xigeenka Waaxda Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xidhiidh
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/