Agaasimaha Guud Oo Maamulka Degmadda Wajaale Ku Wareejiyey Dhulkii Laga Dhisi Lahaa Kantroolka Cusub Ee Magaaladda Wajaale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Maamulka Degmadda Wajaale Ku Wareejiyey Dhul Danguuda Oo Laga Dhisayo Kantaroolka Cusub Oo Ay Yeelan Doonto Degmadda Wajaale.

Dhulkan Maanta Agaasimuhu Wareejiyey Ayaa waxa Laga Jaray Beerta Ciidanka Asluubta, Waxana Dhulkaas Isagu Wasaaradda Hawlaha Guud Ku Wareejiyey Taliyaha Guud Ee Ciidabka Asluubta Sareeyo Guuto Ahmed Cawaale Yusuuf "Libaax".

Hawlwadeebo Ka Socday Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Isla Goobtaas Cabirkii Uu Yeelan Laaha Kaantaroolku Ujaray, Isla Markaana Ku Diiwangaliyey Goob Danguud Ah Oo Kantrool Unoqonaysa Magaaladda Wajaale.

Agaasime Cilmi C/raxmaan Cashuur Ayaa Goobtaas Ka Hadlay, Wuxuuna Ugu Horeyn Dhulkaa Ku Wareejiyey Maamulka Gobolka Gabilay Iyo Degmadda Wajaale, Wuxuuna Dardaaran Ugu Jeediyey In Goobtaas Ilaaliyaan, Agaasimaha Ayaa Dhinaca Kale Xusey In Kaantroolkii Hore Ay Isna Ku Wareejiyen Ciidan Booliska Oo Iyaguna Goobtaas Kadhigan Doono Xarun Police.

ALLAA MAHAD LEH


C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Website: https://mopwh.govsomaliland.org/
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
LinkedIn: https://www.linkedin.com/feed/
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/