Agaasimaha Guud Oo Furay Kulan Diimeed Ay Qabatay Culimo Ka Socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Saaka Gudoomiyey Kulan Diimeed Culimo Ka Socotay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Uqabatay Hawlwadeenadda Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta.

Muxaadaradan Waxa Goobjoog Ka Ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, Dhamaan Agaasime Waaxeeda Iyo Agaasime Ku Xigeenada, Madaxqeybeedyada Iyo Shaqaale Kale Oo Ka Tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta

Kulan Diimeedkan Inuu Qabsoomo Waxa Soo Iska Kaashaday Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Iyo Waaxda Cududa Shaqaalaha Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Oo Hormood U Ahaa Agaasimaha Waaxdaas Mudane Jamaal Ibraahim Muuse.

Culimaddan Ka Socotay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Waxa Hogaaminayey Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore, Iyagoo Culimadii Ka Socotay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Ayaa Muxaadiro Ku Saabsanay Nimcaka Alle Ku Galadaystay Ummatu Muxamed, Nimcooyinka Kale Ee Alle Siiyey Adoomadiisa Muslimiita Ah Gaar Ahaan Fadliga Bisha Barakaysan Iyo Sidii Looga Faa’ideysan Lahaa Ujeediyey Hawlwadeenada Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta .

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf Ayaa Kalmado Soo Dhaweyn Ah Ugu Horeyn Usoo Jeediyey Culimadda Saaka Soo Booqtay Ee Ka Socota Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta, Sidoo Kalana Wuxuu Dardaaran Usoo Jeediyey Shaqaalaha Wasaaradda Oo Uu Faray Inay Ka Faa’ideystaan, Alle Ka Yeelo Kuwii Acmaasha Ay Qabanayaan Ku Dabaqa.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.
DHAMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warbaahinta,
Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta JSL.
E-mail: xafiiskasaxaafadda@gmail.com
Instagram: https://www.instagram.com/wasaarada_hawlaha_guud_jsl/
Facebook: https://www.facebook.com/HawlahaguuddhulkaiyoGuryeynta/
Twitter: https://twitter.com/PublicWorksLand
Youtube: https://www.youtube.com/feed/my_videos/