Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Iyo Maayirka Degmadda Burco Ayaa Soo Kormeeray Mooska Magaaladda Ka Qabta Biyaha Kaga Yimaada Dhanka Koonfureed.

Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf (Dawlad) Iyo Maayirka Degmadda Burco Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi Iyo Injineerada Wasaradda Hawlaha Guud Ayaa Soo Kormeeray Mooska Magaaladda Ka Qabta Biyaha Kaga Yimaada Dhanka Koonfureed.

Ujeedka Kormeerka Mooska Magaaladda Biyaha Ka Qabta Waxa Uu Kamid Ahaa Daraasad Lagu Eegayo Sidii Fulinta Qorshe-magaaleed Burco Iyo Mooska Biyaha La Isku Waafajin Lahaa. Agaasimaha Guud waxa kormeerkan ku wehelinayey,Agaasimaha Waaxda Guryaha Eng Axmed Haybe Colijoog, Agaasimaha Waaxda IT-ga Umulkhayr Suldaan,

Agaasime Ku-xigeenka Qorshayaasha Magaalooyinka Eng. Hussein Mohamed Abdillahi Iyo Isku Duwaha Wasaaradda ee G/Togdheer Eng Faysal Maxamuud Cartan iyo hawlwadeeno kale ko ka tirsan Wasaaradda. Intii Agaasimuha Guud iyo Mayor-ka Kormeerkan Ku Jireen Ayaa Waxa Warbixin Ku Saabsan Master Plan-ka Burco Iyo Mooska Biyaha Qabta Ka Bixiyay Agaasime Ku-Xigeenka Qorshaynta/Nashqadaynta Magaaloyinka Eng. Hussein Mohamed Abdillahi, Isagoo Iftiimiyay Muhiimada Ay Leedahay In Qorshaha Cusub Ee Magaalada Lagu Xisaabtamo Biyo Mareen Waafaqsan Nidaamka Qorshe-Magaaleedka, Si Biyaha Daadka Looga Badbaadiyo Magaalada Oo Dooxa U Gaadhsiiya, iyo in Lagu Talo Galo Sidii Mooska Hada Iyo Master Plan-ka La Isku Waafajin Lahaa, Waxana Uu Xusay Muhiimada Ay Leedahay Kormeerkani Oo Ay Ku Weheliyaan Waftiga Engineerada Dawlada Hoose oo Iyagana Talo Laga Helayo.

Maayorka Magaaladda Burco Ayaa Isna Dhankiisa Soo Dhaweeyay Muhiimada Iyo Faaidada Uu Leeyahay Qorshe-Magaaleedka Burco, Isagoo Xusay Dhibaatada Daadku Ku Hayo Guryaha iyo Dadka Dagan, Oo Magalaada Dhan Walba Daad Kaga Furan Yahay, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldan Yusuf (Dawlad) Ayaa Sheegay Muhiimada Ay Leedahay Qorshe Ka Duwan Mooska Oo Abuura Laago Iyo Dooxyo Biyo Mareen Ah, Taas Badalkeedana La Sameeyo Nidaam Raaca Wadooyinka Oo Biyahu Iyagoo Amaan Ah Raacaan, Waxana Intaas Uu Ku Daray In Ka Wasaarad Ahaan Qorshe Magaaleedku Tixgalinayo Arinta Mooska Iyo Xaalada Daadka. Agaasime Maxamuud Suldaan Yusuf (Dawlad) Ayaa Dhinaca Kale Sheegay Inay Tahay Masuuliyadda Wasaaradda Hawlaha Guud Inay Diyaariso Qorshe-Magaaleed Ku Salaysan Kolba Degaanka Laga Fulinayo, Iyadoo Qorshahan Lagu Darayo Jeexjeexyada Oo Biyaha Laga Mareeyo Deedba Foresty iyo Open Place Laga Dhigo. Isagoo Intaas Raaciyay In Qorshahas Biyaha Mareenada Nidaamsan Ay Xal U Yahiin.

ALLAA MAHAD LEH