Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Ayaa Soo Kormeeray Mashaariicda Dhismayaasha Dawladda Ee Laga Hirgaliyey Magaaladda Burco.

Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf (Dawlad) Iyo Waftigii Uu Hogaaminayey Ayaa Soo Kormeeray Mashaariicda Dhismayaasha Dawladda Ee Laga Hirgaliyey Magaaladda Burco Kuwaas Oo Wasaaradu Gacanta Ku Hayso.

Dhismayaashan Oo Ay Kamid Yihiin Dhismaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer Iyo Dhismaha Maxkamadda Degmada Burco Oo Dhamaantood Dhaamaaday.
Agaasimaha Guud waxa kormeerkan ku wehelinayey, Agaasimaha Waaxda Guryaha Dhismaha Eng Axmed Haybe Colijoog, Agaasimaha Waaxda ICT-ga Umulkhayr Suldaan, Agaasimaha Ku Xigeenka Waaxda Naqshadaynta Magaalooyinka Eng Xuseen Maxamed Cabdilaahi, Isku Duwaha Gobolka Togdheer Eng Faysal Maxamuud Cartan iyo hawlwadeeno kale ko ka tirsan Wasaaradda.

Ugu Horeyn Weftiga Agaasimaha Guud Hogaaminiyay Waxa Xafiiska Maxkamadda Racfaanka Gobolka Togdheer Ku Soo Dhaweeyay Ku Simaha gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Togdheer Mudane Cabdiwali Adan Cabdi.

Intii Agaasimuhu Kormeerkan Ku Jirey Ayaa Waxa Uga Warbixinayey Isku Duwaha Gobolka Togdheer Eng Faysal Maxamuud Cartan, Isagoo Usharaxay Qaabka Loo Ilaaliyo Dhamaan Dhismayaasha Dawladu Leedahay, Khaasatan Kuwan Magaladan Burco Ee Maanta Lagu Suganyahay.

Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guriyeynta Mudane Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf (Dawlad) Ayaa Dhinaca Kale Sheegay Inay Tahay Masuuliyadda Wasaaradda Hawlaha Guud Inay Ilaaliso Dhamaan Dhisme Kasta Oo Loo Dhisayo Dawlada, Mid Yar Iyo Mid Weyn, Kuwan Maanta La Kormeeryaana Kamid Yihiin Kuwaas, Injineer Kasta Oo Wasaaradda Ujooga Gobol Ama Degmo Uu Ilaalinayo Dhisme Qaranku Leeyahay.


ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed